JOURNALISM


puntland goverment  logo


Xeerka Warbaahinta Dawlada Puntland ee soomaaliyeed

Eray‐Bixin:‐
Warbaahin:
Warbaahin waxaa loola jeeda qoraal ama oraah ku dheehan macluumaad.
Saxaafad:
Saxaafad waxaa loola jeedaa hawlqabad kasta oo saamaynaya maskaxda iyo fikradaha dadwaynaha.
Suxufi:
Suxufi waxaa loola jeeddaa qof kasta oo ku hawlgala minhdad saxaafadeed
Wargeys:
Wargeys waxaa loola jeedaa qoraal kasta oo la xiriira saxaafad xambaarsan warar dhacdooyin una gudbinaya dadwaynaha isagoo qoraalah
Madbacad:
Madbacad waxaa loola jeedaa aalad loo adeegsado in lagu daabaco qoraalo kala duwan.
Raadiye (Radio)
Waxaa loola jeedaa aalad loogu talagalay in dhacdooyinka, maalin laha ah, wararka iyo macluumaadka loogu tebiyo dadwaynaha iyada oo hawada loo marinayo.
Telefishin (Television):
Waxaa loola jeedaa aalad leh maqal iyo muuqaal laguna gudbiyo fariimaha la xiriira saxaafadda.
Bog (website)
Waxaa loola jeedaa bogaga shebakadda warbaahinta laguna gudbiyo macluumaadka la xiriira saxaafadda.
Machad Saxaafadeed:
Waxaa loola jeedaa dugsi Sare oo wax lagu baro suxufiyiinta.
Wacyigelin :
Waxaa loola jeedaa hab dadka lagu baraarujiyo waxna lagu baro,ama lagu hanuuniyo
Abbreviations: ‐ (Erayo Gaabsan)
AM (Amplitude Modulation)
BBC (British Broadcasting Corporation)
CE (Chief Editor)
FB (Face book)
FM (Frequency Modulation)
GHz (Gamma Hertz)
ICT (Information Communication Technology)
IJ (Investigation Journalism)
KHz (Kilo Hertz)
MHz (Mega Hertz)
MM (Mass Media)
MS( MC ) (Mass Communication)
MW (Middle Wave)
FOE (Freedom of Expression)
NGO (None Governmental Organization)
PAS (Public Awareness System)
PP (Program Producer)
RS (Radio Signal)
ROA (Rights of the Authority)
SW (Short Wave)
VOA (Voice of America)
Qodobka 1‐aad
Nidaam guud
Qaanuunkani wuxuu qeexayaa nidaamka guud ee hawlgalka warbaahinta, bixinta ruqsadeeda iyo khidmadeeda.
Qodobka 2‐aad
Warbaahin
Warbaahintu waa hab loo gudbiyo warar, madadaalo, suugaan, khudbado, macluumaad iyo afkaar kala duwan iyadoo loo adeegsanayo qalabka warbaahinta qaab qoraal, maqal, muuqaal, mareeg/shabakad iyo masrixiyad.
Qodobka 3‐aad
Qofka noqon kara saxafi
Saxafi waxaa noqon kara qofkasta oo soomaali ah oo ka soo baxa ugu yaraan machad saxaafadeed, Dugsi sare ama leh aqoon u dhiganta iyo khibrad shaqo ugu yaraan 2 sano, isla markaasna ku sifoobay akhlaaq iyo sumcad wanaagsan.
Qodobka 4‐aad
Aqoonsiga saxafiga
Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Puntland waxay saxafiga buuxiya shuruudaha ku xusan qodobka 3‐aad ee xeerkan siinaysaa aqoonsi uu ku hawlgalo una fudedeeya gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Qodobka 5‐aad
Xaqa saxafiga
1.
Saxafigu wuxuu u madax banaan yahay shaqadiisa ku saabsan raadsashada wararka, macluumaadka iyo xaqiiqda la xiriirta hawlihiisa sida uu qabo qodobka 14‐aad iyo 22‐aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
2.
Saxafigu kuma khasbana inuu sheego ilaha uu wararka ka helo haddii aysan liddi ku ahayn midnimada iyo nabadgelyada Dawladda Puntland.
3.
Saxafigu waa inuu ku saxiixaa magaciisa dhabta ah qoraaladiisa iyo sawiradiisa.
Qodobka 6‐aad
Waxyaalaha ka reeban warbaahinta
1.
Qalabka warbaahinta waxaa ka reeban:
A)
Inay ihaano u jeediyaan diinta Islaamka ama diimaha kale iyo shaqsi kasta oo leh xasaanad;
B)
Inay faafiyaan:
I.
Warar iyo dacaayado waxyeelo u geysan kara nabadgelyada iyo xasilloonida, dhaqaalaha, deegaanka iyo danaha guud ee Dawladda Puntland;
II.
Sirta Dawladda Puntland
III.
Warar, sawiro, qoraallo liddi ku ah anshaxa iyo akhlaaqiyaadka suuban;
IV.
Qaddiyad maxkamadeed oo aan weli go’aan laga gaarin.
2.
Qalabka warbaahinta waxaa kaloo ka reebban inay xayeysiiyaan:
A)
Maandooriyayaasha sida dragiska(drugs), qaadka, xashiiska, tubaakada, khamriga iyo wixii la mid ah;
B)
Waxyaabaha (daawooyinka) laysku qurxiyo oo dhalanrog ku sameynaya jirka qofka isticmaala.
Qodobka 7‐aad
Ruqsad iyo khidmad
1.
Ruqsaddu waa oggolaanshaha ay bixiso wasaaradda warfaafintu kuna hawlgasho warbaahintu oo la cusbooneysin karo sanadkasta.
2.
Khidmadda ruqsaddu waxay noqonaysaa sida soo socota:

TV‐ga maxalliga ah (local) $2,000 (Laba kun oo doolar) cusbooneysiinteedana $ 1,500 (kun iyo shan boqol oo doolar) sanadkii;

Anteenada war laliska xarunta TV‐ga $ 100 (boqol doolar) sanadkii

Oggolaanshaha TV‐ga caalamiga ah $ 3000 (Sadex kun oo dooalr) cusbooneysiinteedana $1,500 (kun iyo shan boqol oo doolar) sanadkii;

Idaacadda maxalliga ah $2000 (Laba kun oo doolar), cusbooneysiiteedana $200 (Laba boqol oo doolar) sanadkii;

Idaacadda qalaad oo ka baxda idaacadda maxalliga ah $ 3000 (Sadex kun oo doolar) cusboonaysiiteedana $ 1000 (Kun doolar) sanadkii;

Anteenada idaacad shisheeye $ 1000 (Kun doolar) sanadkii;

Anteenada idaacad maxalli ah $150 (boqol iyo kontan doolar) sanadkii;

Laamaha idaacadda ee gobollada iyo degmooyinka $ 100 (boqol doolar) sanadkii;

Wargeys $ 200 (laboboqol doolar), cusbooneysiinteedana $ 100 (boqol doolar) sanadkii

Websait (website) $ 150 (boqoliyokonton doolar) sanadkii;

Madbacadda dhammeystiran (Offset) $ 1000 (kun) doolar, cusbooneynsiinteedana $ 500 (shan boqol) doolar sanadkii,

Madbacadda aan dhammeystirneyn $ 500 (shanboqol) doolar, cusbooneynsiinteedana $ 150 (boqoliyokonton) doolar sanadkii

Laamaha madbacadda ee gobollada iyo degmooyinka $ 150 (boqoliyokonton) doolar sanadkii;

Rugta sameynta nuqullada (photo copy) $ 100 (boqol) doolar sanadkii;

Rugta shaneemada (filim) 200 $ (laboboqol) doolar sanadkii;

Rugta sawir‐qaadka (foto camera) 200 $ (laboboqol) doolar sanadkii;

Rugta tababbarka kombuyuutar gaarka ah 100 $ (boqol) doolar sanadkii
Qodobka 8‐aad
WARGEYS
1.
Soo‐saaridda iyo faafinta wargeys kasta waa in oggolaansho laga haystaa wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland isla markaasna dalabka ruqsadda lagu muujiyaa mulkiilaha, qoraha mas‐uulka ka ah, magaca, nooca, iyo xilliga loo cayimey soo bixitaanka wargeyska.
2.
Muddada ku‐dhaqanka ruqsadda wargeyska waa 12 bilood oo ka bilaabaneysa maalinta la soo saaro ruqsadda.
3.
Wargeys kasta oo ka soo baxa Puntland waxaa labo nuqul oo ka mid ah cadad kasta oo la soo saaro loo gubinayaa Wasaaradda warfaafinta ee Dawladda Puntland.
Qodobka 9‐aad
Websayt (website)
Websait (website) kasta oo wakiil ku leh Puntland iyo qofka wax ku qora waxaa laga diiwaangeliyaa wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland iyadoo la bixinayo khidmadda ruqsadda sida ku xusan qodobka 7aad faqradda 2aad ,dhibicinda 10‐aad ee isla xeerkan.
Qodobka 10‐aad
Madbacad
1.
Madbacad waxaa loola jeedaa mishiinka loo isticmaalo daabicidda waxyaabo kala duwan sida qoraallada, buugagga; sawirrada iyo wax kasta oo la daabacayo.
2.
Waxaa madbacad lagu keeni karaa amase lagu shaqeysan karaa haddii ruqsad laga haysto wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland.
3.
Dalabka ruqsadda madbacadda waa in lagu muujiyaa magaca mulkiilaha oo dhammeystiran, nooca madbacadda iyo xarunteeda.
Qodobka 11‐aad
Waxyaalaha ka reeban madbacadda
Madbacadda waxaa ka reeban:

Soo‐saaridda wargeys, qoraal iyo buug aan ruqsad ka haysan wasaaradda warfaafinta amase la mamnuucay soo‐bixitaantiisa,

Daabicidda qoraallo, manshuuraad iyo waxkasta oo wax u dhimi kara nabadda guud ama xasilloonidarro iyo rabshado ka dhex‐abuuri kara shacbiga Puntland,

Daabicidda qoraallo aan oggolaansho looga haysan mu‐alifka (qoraaga)
Qodobka 12‐aad
Lahaanshaha warbaahinta gaarka ah
1.
Waxaa hay‐ad warbaahineed yeelan kara dawladda Puntland ka sokow, qof ama shirkad gaar ah oo oggolaansho ka haysata wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland.
2.
Warbaahinta gaar ah waa in ay la socodsiisaa Wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland:
a)
Isbeddelka kasta oo ku yimaada lahaanshaha warbaahinteeda sida beec ama wareejin kale,
b)
Heshiis‐qandaraaska ay ka qaadato hay‐adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah kuna saabsan hawlaha warbaahinta iyo wacyigelinta.
Qodobka 13‐aad
Hab‐raac
1.
Hay‐adda caalamiga ama tan maxalliga ah waa iney oggolaansho ka haysto wasaaradda warfaafinta si ay u qabto barnaamij la xiriira warbaahinta, isgaarsiinta iyo wacyigelinta;
2.
Idaacadda warka ka tebisa hawada waa iney xushmeyso oo raacdo nidaamka hirarka (frequency) ee ay u dejisey wasaaradda warfaafinta ee dawladda Puntland;
3.
Hay‐adda warbaahintu waxay hawlgelin kartaa wariye oggolaansho ka haysta wasaaradda warfaafinta oo keliya.
Qodobka 14‐aad
Wariye Shisheeye
1.
Wariyaha shisheeye, wakaaladda wararka, wargeysyada, idaacadaha iyo telefishinnada waa ka hawlgeli karaan Puntland haddii ay oggolaansho ka haystaan Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland;
2.
Wasaaradda ama hay‐adda dawliga ah oo dooneysa inay wariye shisheeye keensato waa in ay weydisato oggolaansho Wasaaradda Warfaafinta;
3.
Khimadda laysaka (license) ee wariyaha idaacadda qalaad waa 200 $ (labo boqol) doolar sanadkii.
Qodobka 15‐aad
Xeer‐hoosaad
Wasaaradda Warfaafintu waxay soo saari kartaa xeer‐hoosaad lagu taabbagelinayo laguna hormarinayo xeerkan warbaahinta.
QODOBKA 16‐aad
Ciqaab
1.
Cid kasta oo u gefta amase ka hor timaada xeerkan warbahinta waxay geleysaa dembi waxayna muteysaneysaa ilaa seddex bilood oo xarig ah ama ganaax dhan ilaa 3.000 $ (seddex kun) doolar ama shillin soomaali u dhigma ama wadajirkooda (xarig iyo ganaax).
2.
Ciqaabta xarigga ah waa la gadan karaa iyadoo la raacayo sida uu qabo qodobka 112 ee xeerka ciqaabta.
Qodobka 17‐aad
Burin
Waxaa la buriyey sharci iyo xeerkasta oo ka soo horjeeda amase aan la socon Karin xeerkan warbaahinta.
Qodobka 18‐aad
Dhaqangal
Sharcigaan wuxuu dhaqangelayaa marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dawladda Puntland.

                          Warbaahinta iyo doorashada puntland

suxufiyiin ku jiray hawltebintii hallka doorashadii puntland 2014.xuquuqda sawirka: puntlandi.com


Waa hadal, hase yeeshee shaqada warbaahintu xilliga ay jiraan ololeyaasha doorashada, sida runta ah, waa muhiimad aad u weyn.
Fikradaha madaxabanaan, sharafta iyo xirfadnimadu waa caafimaad qabka soo-tebinta doorashada.
Ismaamul la’aan saxaafadeed ama mid masuuliyadeed waxay bedeshaa muuqaalka warbaahinta, iyadoo sababta khatargelin iyo waxyeelayn natiijada doorashada.
Doorashooyinku waa caqabada ugu weyn ee warbaahinta soo wajahda,  markaas warbaahinta waxa looga baahanyahay hawlgarnimo ku salaysan shaqo hufan.
Warbaahintu waxa ay u baahanyihiin inay yaqaanaan sharciyada doorashooyinka, iyadoo waddan walba uu leeyahay sharci u gaar ah doorashada iyo mawduucyada olole.
Haddana  qaybo kamid ah aduunka, waxaa ka jira qaab loo tixgeliyo doorashadu in ay tahay xor iyo xaq, waxaana jira xuquuqyo iyo masuuliyad saxaafad walba taqaan, laguna wargeliyo bulshada.
Warbaahinta waxaa waajib ku ah, in ay si xaq ah oo cadaaladi ku jirto uga soo waramaan dhamaan ololeyaasha iyo warbixinada muhiimka ah.
Warbaahintu waa in ay noqdaan codka bulshada, warbaahintu waa in ay lahaadaan heer xirfadeed oo huwan, saxnaan, eex la’aan iyo masuuliyad.


Warbaahinta warbixinta wanaagsan waqtiga doorashada

Waa midda muwaadiniinta si wacan ugu wargelisa go’aamada doorashada, waxaana waajib ah in ay tahay warbaahin xor ah, waa in ay tahay mid lagu kalsoonaan karo, lana aamini karo, nasiib daro waxaa jira meelaha qaar in saxaafada lagu khasbo in ay ku shaqeeyaan awaamiirta dawlada.

Maxaa kamid ah warbaahinta warbixinta wanaagsan ?

1.     Saxnaan
Helida warbixin sax ah, waa qaybta ugu muhiimsan ee warbaahinta wanaagsan.
Wax walba oo laga soo waramo waxa waajib ah, in la muujiyo saxnaanshaheeda, tusaale ahaan, olelaha musharixiinta iyo fikradaha dadweynaha.
2.     Eex lahayn ( isku dheelitir, xaq ah )
Qiyaastii qodob walba oo warbaahinta wanaagsan wuxuu dhigayaa muhiimadu in ay tahay ( eex la’aan ) hadaba si loogu guulaysto cadaalada, suxufiga wanaagsan waa in uu doonaa soo-saarida warbixin dheelitiran. Si ay u dheelitirnaatana waa in ay kamid yihiin labada dhinacba, tusaale ahaan hadi musharax siyaasadeed uu dacwoodo ama uu balanqaado balanqaadyo waxqabad, wariyaha wanaagsan waa in uu raadiyaa falceliska musharixiinta kale, kana sameeyaa warbixin isku dheelitiran.
Waxaana loo baahanyahay shaqo badan, si loogu guulaysto isku dheelitir iyo xaqsoor ku salaysan warbixin walba,  sababtoo ah sheeko walba waxa ay kahadlaysaa ugu yaraan labo dhinac.
Xataa haddii aad ka shaqaysid warbaahin, urur ama qolo gaar ah taageerta, wariyeyaasha xirfada leh, waxa ay isku dayaan in aysan eexasho samayn, warbixintoodana miisaamaan.
Sidoo kale haddii ay ka shaqeeyaan warbaahinta dawlada, warbixintooda waa in ay kamid yihiin wararka quseeya, kooxaha muucaradka ah, waana taas mida warbixintooda ka dhigaysa mid isku dheelitiran oo in badana macquul ah.
Milkiileyaasha warbaahinta gaarka ah iyo tan dawladuba waa in ay dhawraan faalooyinka siyaasadeed iyo fikradaha kala duwan ee bulshada.
Wariyaha xirfada leh, maahan hogaamiye siyaasadeed, ama mid koox gaar ah u dhaq dhaqaaqa, warbixintiisa waa in lagu tixgeliyo, cadaalad iyo dhex dhexaadnimo.
Cadaalada iyo dhex dhexaadnimadu, macnaheedu waxa weeye in wariyaha waajib ay ku tahay in uusan wax door taageero ah kulahaan ololeha doorashada, xataa haday ahaan lahayd taageero maaliyadeed.
3.     Masuuliyad
Wariyeyaasha waxaa waajib (xil) ka saaranyahay dadka ay warbixintu ku saabsantahay iyo bulshada ay warbixinada ka helayaan, warbaahinta waxaa masuuliyad ka saarantahay in ay ilaaliyaan meelaha ay macluumaadka ka heleen, waa haddii dadkaas warka laga helay ay codsadaan in aan magacooda la sheegin, sababo jira oo ay ugu horeyso ammaanka dadkaas awgeed, waana in sidaas lagu cadeeyaa warbixinta.
Dad badan baan wariyeyaasha u sheegin warar muhiim ah,  tusaale ahaan, musuq maasuq oo kale, sababtoo ah waxa ay ka baqdin qabaan in magacooda la sheegayo.
Ugu dambayna waa in ay warbaahintu qof hadal uusan oran laga sheegin.
Soo-tebinta ololeyaasha 
Inta badan ololeyaasha doorashadu waxa ay ka koobanyihiin, khudbooyin badan, isku soo baxyo, iyo shirar saxaafadeedyo.
Wariyeyaasha xirfada leh waa in aysan naqdiyid ku samayn hadalo musharax siyaasadeed yiri, oo ay isku arkaan in aysan dhana raacsanayn, warbixinada miisaaman ee wariyeyaasha waxa ay yaraysaa khatarta ka dhalan garta dhinacyada ku loolamaya minbarka siyaasadeed.
Ururada saxaafada, maamulayaasha warbaahinada, iyo milkiileyaashuba waa in ay dhex dhexaad u noqdaan musharixiinta siyaasadeed iyo dawladaba, si loo xushmeeyo, korna loogu qaado amniga saxaafada, Wariyeyaashu waa in aysan ku milmin ololeyaasha siyaasadeed, saxaafadu waa in aysan hubqaadan, sidoo kalena waa in ay sheegaan haddii weerar ama hanjabaad loo geysto.

Ugu dambayna aaminaadu waa raasumaalka ugu muhiimsan ee warbaahinta, saxnaanshuhuna waa habka ugu fiican ee difaaca.
Waxa aan maqaalkayga kusoo gunaanadi lahaa xikmada oranaysa: xoriyadu waa marka dadku hadli karaan, dimuqraadiyadu waa marka dawladu dhegaysanayso, warbaahintuna  waa farriin side.
WQ: Abdi omar bile, diploma of journalism studies and degree of computer science.
Email:  Eng.bille@gmail.com       Tell: 252907-794517

No comments: