Taariikhda dawlada Puntland iyo dhulweynaha puntland
1. Hordhac
1.1 Taariikhda Puntland
Taariikhda Gobalada Waqooyi Bari oo ilaa Bartimihii 1998 lagu
magacaabo Dowlada Puntland ee Somalia, Inkasta oo gumaystaha ka hor bulshada
soomaaliyeed aysan lahayn Dowlad dhexe oo dhisan iyo xuduudo cayiman,
Gobolada Waqooyi bari waxay lahaayeen qaab dowladeed oo soo jireen ah,
ilaa bilowgii qarnigii 19aad, kuwaas oo lagu magacaabi jiray sida,
Boqortooyadii Majeerteenya (1901-1927) oo ka dhisnayd Gobolada bari iyo nugaal,
Boqortooyada Mudug (1885-1925), Boqortooyada Sanaag Bari (1896-1925)
Boqortoyooyinkaasi uma dhisnayn qaab maamul dowladeed oo casri ah,
laakiin waxay lahaayeen maamul iyo ciidan dhisan oo ilaaliya Nabdgelyada,
Arimaha bulshada, iyo siyaasada, Sadexda saldano waxay lahaayeen xiriir ganacsi
dhaexdooda iyo mid ay la lahaayeen India iyo gacanka carbeed. Waxay dhoofin
jireen Xoolaha nool, Maydi iyo malmalka, Waxayna ku soo bedelen jireen raashin
iyo qalab.ganacsigaasi wusuu si gaar ah u horumariyey Boqortooyadii
Majeerteeniya qaybtii dambe ee qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad.
Gumaystaha Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa xoog ku qabsaday
saldanooyikaas (1923-1927), Kuwaas oo dumiyey qaabkii dhaqaale iyo siyaasi oo
jiray.
Gumaysiga Talyaanigu wuxuu si gaar u burburiyey ganacsigii jirey,
wuxuuna khasbay in Dalka talyaaniga laga soo dejiyo waxkasta oo ganacsi ah,
loona dhoofiyo cusbada, maydiga, mooska kuwaas oo ay dhoofinayaan shirkado
talyaani ah lagana soo dejiyo Magaalada Muqdisho.
Burburinta ganacsigii iyo awoodii soo jireenka ahayd ee goboladan
waxay waxyeelo weyn u gaysatay dhaqaalihii iyo qaabkii nololeed ee shacabka.,
sidaa darteed waxay kaliftay inay ganacsatadii iyo xirfadlayaashii goboladan ay
u guuraan koonfurta Soomaliya si u helaan fursad ganacsi iyo mid shaqo.
Sidoo kale gumaystihii talyaanigu wuxuu si khasab ah ugu musaafuriyey
magaalada muqdisho, qoyskii, qaraabadii iyo taageerayashii muhiimka ahaa ee
Saldanadii Mudug.
Si la mid ah Saldanadii Bariga Sanaag waxaa gumaystaha Ingiriisku ugu
masaafuriyey si khasab ah Jasiirada Seychelles .
Burburinta dhaqaalaha iyo minguurinta ay Gumaystayashu u gaysteen
saldanooykii soo jiraaka ahaa ee goboladan, waxay ku salaysnayad in laga
ilaaliyo bulshada soomaaliyeed kacdoon xornimo doon ah.
Gumaystahu wuxuu dalka ka talinayeen Bartamihii (1920 – 1960), ka
dibna dowladahii soomalidu waxay ka talinayeen ilaa 1960-1990
Ka dib burburkii Dowladii Somaaliyeed bilowgii 1991, SSDF oo ka mid
ahayd jabhadahii ka soo hor jeeday dowladii markaa jirtay oo keliya ayaa ku
sugnayd gobolada markaa la oran jiray Waqooyi Bari hadana ka mid ah gobolada ku
bahoobay Dowlada Puntland.
Madaxdii SSDF oo taageero buuxda ka haysata shacabka, waxay culayska
saareen siday goboladan uga daafici lahaayeen xoogaga ka soo duulay koonfurta
Soomaliya oo ay horkacaysey jabhada la yiraahdo USC (1991-1993), iyo urburkii
Al-itihad oo isku dayey inay xukuntka goboladan si xoog ah ula wareegaan 1992,
labada xoogba waa laga adkaaday, guulahaasi waxay SSDF u yeeshay awood siyaaso
iyo mid ciidan oo aad looga tixgeliyey soomaaliya inteeda kale.
1.2
DHISMIHII DOWLADA PUNTLAND:
Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada, siyaasiyiinta,
aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool
goboladan, ayaa waxaa la go’aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo
wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul dowlad ah oo
heer sare ah. Islamarkaas waxaas ku soo biiray Gobolada Sanaag iyo Sool oo kula
bahoobay Maamulaka cusub Goboladii laysku oran jiray Waqooyi Bari.
Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlada Puntland, taasoo
leh sadexda awoodood oo kala ah, Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab
iyo dhedigba leh, Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo
madaxwayne ku-xigeen.
Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu
dhisay Puntland.
Puntland
waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku
dhisan, waxayna wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo
aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku dhisan habka
federaaliga ah.
Puntland waxay ka kooban tahay sideed Gobol oo kala ah.
2.
JUQRAAFIGA IYO CIMILADA
2.1
JIHADA AY DHACDO:
Puntland waxay khariidad ahaan dhacdaa Bariga Soomaliya, Waxay xuduudo
la wadaagtaa. Galbeedka waxaa ka
xiga Gobolada Waqooyi-Galbeed, Waqooyiga
Gacanka Cadan , Koonfur-bari waa
Bad waynta Indian ocean, Koonfur waa
Gobolada dhexe ee soomalia, Koonfur-Galbeedna
waxaa ka xiga Wadanka Ethiopia.
2.2
BEDKA DHULKA :
Dowlada Puntland baaxadeedu waa 212,510 Km2, waxay u dhigantaa sadex
meelood-meel (1/3) qiyaastii baaxada guud ee Soomaliya.
2.3
CIMILADA:
Cimilada Puntland waa kulayl, Celceliska Cimilada maalintii waxay u
dhaxaysaa 27C ilaa 37C, gobolada qaarkood sida Howdka mudug, Gobolka sool,
sanaag bari dooxooyinka Nugaal iyo buuralayda bari waxay leedahay hawo furan
iyo kulayl dhexdhexaad ah.
2.4
ROOBKA:
Roobka waxaa la helaa xiliyo kala duwan, waxaa lagu qiyasaa 400mm oo
roob ah sanadkii, Reer guuraagu waxay inta badan Biyaha ka helaan ceelal iyo
harooyin, waxaa jira afar xili oo kala ah
- Jiilaal.
Bilaha (January – March), Waa qalayl
- Gu.
(April –June), Waa Xiliga la helo roobka ugu badan
- Xagaa.
(July – September), Waa Qalayl
- Dayr.
(October – December), waa xili roobaad Goos -Goos ah.
3.
MAAMULKA DOWLADA IYO QAYBAHEEDA
2.1 Qaab
dhismeedka Dowlada Puntland.
Dowlada Puntland waxay leedahay sadex waaxood oo dowli ah.
Golaha Xukuumada (Madaxwayne, Madaxwayne Ku-xigeen, iyo Golaha
Wasiirada oo madaxwaynuhu magacaabo),
Golaha Wakiiladaoo ka kooban(66 Xilibaan oo ka wakiil ah dhamaan sideeda
gobol ee Puntland),
Garsoorka o leh (Maxkamada
Sare, Maxkamad Rafcaanka, Maxkamad Hoose)
HOGAANKA.
Madaxwayne
: c/raxmaan sh.maxamed maxamuud (faroole)
Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da Janaayo, 2009
Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da Janaayo, 2009
Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da Janaayo, 2009
Madaxwayne
Ku-Xigeen :c/samad cali shirre
Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da January, 2009
Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da January, 2009
Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da January, 2009
Golaha
Wakiilada :gudoomiye c/rashiid maxamed xirsi
Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da January, 2009 66 Xilibaan oo ka Wakiil ah Dhamaan Gobolada.
Madaxwaynhii
Kowaad ee Puntland: Cabdullaahi Yusuf Axmed (1998-2004), ahaana
alle ha uraxmadee Madaxwaynahii koowaad
ee Dowlada Federalka ah ee Soomaliya.
Madxwaynihii
Labaad ee Puntland: Maxamed Cabdi Xaashi oo xukunka hayey muddo
kooban (Oktoobar, 2004 – Janaayo, 2005)
Madxwaynihii
saddexaad ee Puntland: maxamuud muse
xirsi “cadde muuse” (January 2005--january 2009)
Madxwaynihii
afaraad ee Puntland: c/raxmaan sh.maxmed maxamuud “faroole”( january
2009-january 2014)
3.2
CAASIMADA
Caasimada Dowlada Puntland Waa
3.3 Magaalooyinka
Kale ee Waawayn waa:
Bosasso, Galkacyo, Las Anod, Gardo, Baran and Buhoodle.dhahar
3.4 DEKEDA
UGU WAYN:
Dekeda ugu wayn Puntland waa. Dekeda Bosaa
4
TIRADA DADKA:
Waxaa lagu qiyaasaa Puntland inay ku nool yihiin dad gaaraya, 2.9
Milyan.
4.1
QORSHAYNTA MUHIIMKA AH:
Dowlada
Puntlad waxaa aad u kordhaya tirada dadka ku nool, Waxaana keenaya dadka ka soo
barakacaya Koonfurta Soomaliya, iyo kuwa ka imanaya Dowladaha deriska ah.
Bulshada reer Puntland 30% waxay degen yihiin Magaalooyinka aad u
koraya sida, Bosaaso, Qardho, Laas-Caanood, Garoowe iyo Gaalkacayo, Qiyaastii
70% Bulshada Da’doodu waxay ka yar tahay 30 Sano.
5.
DIINTA
Bulshada Puntland ku nool dhamaan waa Muslim.
6.
LUUQADAHA:
Luuqadaha Rasmiga ah waa Soomaali iyo Carabi, English iyo Talyanai in
badan ayaa isticmaasha.
7.
XOOLAHA NOOL:
Xooluhu waa tiirka dhaqaalaha gobolada Puntland, Isticmaalka xooluhu
kuma eka reer guuraaga keliya ee waxaa quud maalmeedka u istimaala inta badan
bulshada miyi iyo magaalaba. Dhaqaalaha Puntland waxuu aad ugu xiran yahay
dhoofinta xoolaha, taasoo laga helo 80% Lacagta qalaad, 40% dhaman dhaqaalaha
waxsoo-saarka iyo 60% fursadaha shaqada.
8.
QAYBTA KALUUMAYSIGA :
Guud ahaan Wadanka Soomaliya xeebtiisu waa 3,300 Km2, Puntland qayb
ahaan waxay u leedahay 1,600Km2, laga bilaabo Magaalada Garacad oo ku taala
badwaynta India ilaa Laas Surad oo xigta Gacanka Yemen. Biyaha Bada ee ku
wareegsan Puntland waa meelaha ugu qanisan Kaluunka iyo khayraadka kale ee bada
ku nool.
Biyaha xeebta Puntland waxaa laga helaa noccyo fara badan oo kaluun
ah, waxaa ka mid ah noocyada sida (yellow fin tuna, long-tail tuna, bonito,
skipjack, and Spanish mackerel,) Waxaa ganacsiga u badan (demersel fish) waa (
groupers, snappers, grout and sea beam). Waxaa kaloo ku badan libaax badeedka,
agagaarka xeebta waxaa laga helaa (spiny lobster, genus panulirus), bada
guahaeedana 150 -400 Meters, waxaa kaloo laga hela and noocyada sida ( Puerulus
Sewell iyo Puerulus Carinatus ), Badnaanshaha khayraadka badda ee puntland,
waxaa lagu qeexaa halka ay kaga taalo khariidada aduunka,
Istimaalka aan cilmiyaysneen iyo Kaluumaysiga sharci darada ah ee
ajnabiga waxay khatar ku yihiin khayraadka badda hodonka ah ee xeebaha Puntlad.
Sidaa darteed markii la asaasay Dowlada Puntland, waxaa markiiba la
dhisay wasaarada Kaluumaysiga, Dekedaha iyo Kheyraadka Badda si looga hortago
Kaluumaysiga sharci darada ah isla markasna ay wasaaraddu ay u dejiso qoshe
horumarineed si ay uga faa’idaysan lahaayeen kaluumaysatada reer puntland iyo
kuwa mustaqbalka. sidoo kalena dawalada puntland ee haanatan jirata ee uu
hogaamiyo mudane madaxweyne c/raxamn sh.maxamad maxamud (faroole), waxay
kuguuleysatay iney dhisto ciidankii badda ee puntland kuwaas oo hadda
kahawlgala dhamaan xeebaha dawladda puntland
Kaluumaysiga waxaa si toos ah uga shaqeeya kumanaan qof siddeeda
bilood (Oktoobar – Maajo) oo ah Xiliga la kaluumaysto, waxaa kaloo si dadban
uga shaqeeya oo ka faaidaysta shaqaalaha makhaayadaha iyo kuwa shirkadaha la
xiriira ganacsiga Kaluumaysiga. Xiliga Kaluumaysiga waxaa kaloo samaysma
tuulooyin ama degaamo aan joogto ahayn, meelahaas oo ay ganacsi yar yar ka
helaan dumarka iibiya qalabka ay u baahan yihiin kaluumaysatada. Kaluumaysigu
wuxuu galaa fursada labaad oo ugu dhaqaalaha badan marka laga reebo xoolaha..
9.
DHAQAALAHA :
Dhaqaalaha Dowlada Puntland waxaa ugu muuhiimsan Afar qaybood oo kala
ah, Xoolaha, Kaluumaysiga, Beeraha, iyo Lacagta ay qurba-joogtu u soo diraan
dalkooda.
Bulshadu waxay si toos ama aan toos ahayn noloshoodu ugu xiran tahay
xoolaha la dhoofiyo ama isticimaalka cunto ahaan, lacagaha ay soo diraan qurba
joogta reer puntland iyadana waxay kaalin wayn ka qaadataa nolosha bulshada.
10.
ISGAARSIINTA:
Isgaarsiinta Puntland waxay samaysay horumar aad u balaran intii ka
damaysey burburkii dowladii soomaaliyeed, waxaa jira shirkado badan oo
isgaarsiineed, kuwaas oo isticmaala qalab casri ah dhinaca Taleefonada, Fax,
iyo Internet-ka oo hada laga sameeyo faa’iido dhaqaale, waxaa kaloo puntland
leedahay idaacadaha hirarka gaagaaban, FM-ka, oo ku kala yaala Magaalooyinka
waawayn ee Puntland, sida Laas-caanood, Bossaao, Garoowe, Gaalkacayo,
Buuhoodle,iyo Qardho waxaa kaloo Puntland leedahay telefishano casri ah.
11.
KAHYRAADKA DABIICIGA AH:
1991 Cilmi baaris dhinaca Khayraadka dhulka hoostiisa oo uu
maalgeliyey Bankiga aduunka, si loo ogaado khayraadka ku jira sideed wadan oo
ku yaala qaarada Afica. Isla markaana loogu dhiirigeliyo shirkadaha
maalgashiga, Waxaa ka soo baxay in Wadamada Sudan iyo Soomaliya(puntland) ay
yihiin kuwa ugu badan ee laga heli karo shidaal ganacsi geli kara.
Dhulka Puntland waxaa ku jira khayraad aad u badan oo aan weli shaaca
laga qaadin kasoo ay ka mid yihiin kayd shidaal, iyo macadiin kala duwan.
Xukuumada Dowlada Puntland waxay wadaan dadaal ay ugu jiraan sidii
loogu dhiirigelin lahaa cid kasta oo Maalgelin ku samaynaysa khayraadkeeda
dabiiciga ah ee dhulkeeda ku jira.
Waxaana dhawaan labilaabey celkii ugu horeeyey ee shidaal ee laga
qoddo geeska Africa waxaana laga qodey dhulka dalka puntland meesha layiraahdo
dooxada dharoor ee gobolka karkaar waxaa lagahelay labbo ceel oo shidaal
ceegaago iyadoo mid kamid ah labadaas ceel oo layirahdo shabeel 1 ladhameeyey
qodidiisii halaka haataana uu shabeel 2 marayo meel gabo gabo ah
No comments:
Post a Comment