Saturday, February 15, 2014

Kalgacal Qaraabo Gurracanaa...!!!













Kalgacal Qaraabo Gurracanaa...!!! Jaamac waa arday waxbarashadii hoose kusoo idlaystay dalkii hooyo, balse usoo dhoofay inuu korarsado aqoontiisa, waxa uu iminka diyaariyaa shahaadada labaad ee aqoonta sare ee Jaamacadda. Inkasta oo uu Aqoon maadi iyo mid diinba sad fiican ka qaatay, haddana kama bad-baadin dareenka marna malabka ka macaan, marna dacarta ka kharaar (jacayl).

 Jaamac wuxuu badanaa naftiisa ku qanciyey iney mar un helayso nafta ku dhex nool waxaa uuna isku sasabaa xasuustii Cumar Rooraaye: Tacliintaan usoo dhoofaye, Uga imid dhulkaygii, Dhayal ila ma ahoo, Waan dhiganayaa, Midse la igu dheehaa, Dhiigayga xulaysa. Jacayl uu u qaadey Jamiila oo ah gabar ku nool dal carbeed, ayna isku dhowyihiin ayaa bilowgii hore ku salaamay dareen macaan, qabow iyo neecow deggan. Aqoonta qoysnimo ka sokow, waxaa sanad isku lingaxnaa qalbiyadooda.
 Jaamac waxa uu naftiisa dhex maaxshay bad-weynta jacaylka, dhanka kalena Jamiila waxba ma aysan hafran oo waxay u jishay dareen aan dhammaad lahayn, waa la is aaminey, waxkasta la wada wadaagey, musawiro kala jaad ah la is weydaarsaday, furayaasha gaarka ah ee cinwaanada (Password) waa la isku dhiibey. Madaama ay laba dal kala joogeen, Jaamac sitimaankii dhowr jeer ayuu wacaa gacalisadiisa. hadal debacsan, degganaan ayuu kala kulmaan, markuu dhib dareemo ama xaalad adag soo wajahdo, waxa uu nafta ku daweeya maqalka hadalkeeda.
 Inkasta oo uu Jaamac jeclaa in xiriirkani uu noqdo mid tolmoon oo ka tilmaaman xiriirada ay asxaabta ay isku gedaha yihiin ay jilaan, haddana horey ayaa loo yiri sir dumar laga ma sal gaadho. Muddo sanad ah markii lagu wada socday niyad-same, rajo wanaag iyo is aaminid, waxaa kala go'ay xiriirkii joogtada ahaa ee lammaanaha, madaama uu Jaamac fasaxii jaamacadda soo aadey Soomaaliya, nabar aadan filanayn xanuun badanaa...
 Maalin ayuu furey cinwaankiisa uu dad-weynaha kala xiriiro, wuxuu qoraalada asxaabta ugu jirta cinwaanka indhaha la raacaba, waxaa sadaradii danbe kasoo muuqdey tahniyad meher balse isaga u ahayd tacsi. Wiil ay isagana qaraabo yihiin, Jamiilana ay walaalo yihiin ayaa diraya tahniyad meher.. Tollow yaa loo dirayaa?
Waa Jamiilo iyo saygeeda cusub. Ma miyir doorsoomin, balse inuu jooga ka faniino waxyar buu ugu sigtay. Hunu-hunu hadal ma ahe, hadal dadkii ka ag-dhawaa wax ka fahmi waayeen buu ku hadlay, si deg-deg ah ayuu uga soo baxay goobtii uu ka isticmaalayey internetka. Ugu yaraan daqiiqad gudaheed ayaa waxaa sidii filim lagu soo celinayo ugu soo duxay maankiisa, waayihii uu la qaatay Jamiila, haddey musawiro ahaato, hadalo ahaato, calaamado gaar ah oo ay isku garan jireen ahaato.
Wuxuu abbaarey aqalkoodii, wuxuuna hal-haleel isugu tuurey sariirtiisii, maqane jooge ayuu isku beddeley, waxkasta wuu ka soomey, dhan laga hayo, iyo cid sheegta wax haya markii la garan waayeyna, isagaa is canaantay oo meesha ka kacay, wuxuu is-weyddiiyaa oo xagee xaajadu ka kharibantay waa adiga haya furaheedii khaaska ahaa (Password), mindhaa waa mid ay isku dal joogaan bey jawaab-celintiisu dhaafi weydey.
 Jaamac iminka waxaa uu kasoo bogsadey xanuunkii jacayl ee uu dunida kale u galay, waxa uuna ku dadaalaa waxbarashadiisa, waxa uuna go'aan ka qaatey aaminaada dumarka casrigan iyo haasaawaha cusub. Waa maan guracan iyo garasho jaan, Khiyaanada lammaanuhu waxay gaar iyo gooni u tahay oo lagu gartaa dumarka casrigan meelkasta oo ay joogaan, noloshuna waa dugsi laga barto casharo badan oo u baahan in lagu cibro qaato.
   W/Q: Anas A. Bidhaan.







No comments: