Monday, September 22, 2014

Xaalada Puntland Faroole ka dib






























8, janaayo, 2014, waxaa Puntland lagu qabtay doorasho ku dhacday si nabad galyo ah, dimuqraadiyada oo waadax ahayd, oo ay ku tartameen murashixiin badan oo uu kamid ahaa madaxweynihii xilligaas mudane Cabdiraxmaan faroole, iyo dhawr murashax madaxweyne ku-xigeeno, prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dawlada Puntland oo ku guulaystay 33 cod, codadkii ay bixiyeen 66- da xildhibaan ee baarlamaanka dawlada Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar(Camay) ayaa loo doortay madaxweyne-ku-xigeenka cusub ee Dawlada Puntland.

Haddaba muddo 9 bilood ah ka dib maxaa isbadalay gudaha Puntland, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo xiriirka dibada ee Puntland?.
Arrinta muhiimka ah oo aan rabno inaan xusno waxa ay ahyd in maamulkii Faroole laga Dhaxlay in uu dhisay nidaam dowli ah oo shaqaynayay.
24, janaayo, 2014, xaflad ay ka soo qaybgaleen marti sharaf badan oo lagu qabtay guriga madaxtooyada Puntland, madaxweyne prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu la wareegay xafiiska si uu u hogaamiyo dawlada Puntland shanta sano ee soo socota. Ololihiisa doorashada waxa uu kaga qaybgalay in isbedel lagu samaynayo dhamaan hayadaha kala duwan ee dawlada, sida amniga, maaraynta maaliyada, xoojinta garsoorka, dimuqraadiyaynta wadanka  iyo adeega bulshada.
Madaxweynuhu wuxuu marar badan ku celiyay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo la timaada isbadal dhab ah iyo in la sameeyo maamul dhab ah oo si rasmiya u shaqaynaya oo leh maamul wanaag, kala dambayn, hufnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.
25, janaayo, 2014 ,madaxweynaha dawlada Puntland prof. Cabdiweli Cali Gaas wuxuu si rasmiya u soo magacaabay golihiisa wasiirada ee cusbaa, madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada dawlada Puntland ee Garoowe wuxuu shaaciyay liis ay ku qornaayeen magacyada wasiirada cusub oo ka koobnaa 47 xubnood oo isugu jiray wasiiro,wasiir dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno.
Soo magacaabida golaha wasiirada cusub oo tiradoodu ahayd 47 xubnood, waxa ay durbadiiba dadka ka dhexdhalisay walaac dhanka tirrada ah, iyo isweydiin balanqaadkii madaxweynuhu uu ololaha ku galay oo ahaa in  Puntland aysan qaadi Karin xukuumad tirro badan, haddii uu xilka  ku guulaystana uu soo dhisi doono xukuumad tirro yar laakiin tayo badan, 4, febraayo, 2014, madaxweynaha oo ka hadlayay ansixintii golihiisa wasiirada cusub oo uu baarlamaanka hor keenay waxa uu yiri,   muddane iyo marwooyin dawlada aan soo dhisnay waa dawlad koobaysa qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, sida; dhalinyarada, dumarka,aqoonyahanka, dadka laga tirro badanyahay, siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ku soo xulnay aqoontooda tayadooda iyo waddatashi guud, waxaa laga yaabaa in aad la yaabtaan tirrada xukuumada laakiin waxaa kalifay waayaha nagu xeeran.
Wuxuuna madaxweynuhu maalintaas baarlamaanka ka codsatay in ay ansixiyaan si aqlabiyad ahaydna baarlamaanku wuu ku ansixiyay, isla maalintii ku xigtay oo bishu ku beegnayd 5, febraayo, 2014, waxay wasiiradii cusbaa la wareegeen xafiisyadii loo idmatay, si ay hawsha u dardar geliyaan waxna uga qabtaan hawlaha muhiimka ah sida; amniga, maaraynta maaliyada,nidaamka cadaalada iyo adeegyada kale ee bulshada sida, caafimaadka iyo waxbarashada.
 Maamulka cusub wuxuu xukunka la wareegay iyadoo Puntland iyo dhamaan Soomaaliya inteeda kale ay ka jiraan arrimo la xirriira dhaqaalo xumo iyo arrimo dhanka amaanka ah oo ay kamidyihiin argagixisada oo falal amni xumo kawada dhamaan gobolada Soomaaliya iyo wadamada dariska ah.
Waxaa kale oo jiray dhibaatooyin maxali ah oo ay ugu waa weynaayeen dagaalada beelaha ee soo noq-noqda, iyo maqnaanshaha gobolka Sool oo muddo 8 sanno ah gacanta Puntland ka maqnaa. Hawlahaas adag waxay u baahanyihiin hoggaan karti leh, dulqaad iyo wadashaqayn buuxda oo u dhaxaysa dawlada iyo shacabka.
Haddaba maqaalkan oo aan u bixinay ‘ Xaalada Puntland Faroole ka dib’ waa maqaal kooban oo aan kusoo bandhigayno arrimaha ku saabsan waxqabadkii xukuumada cusub tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay bishii janaayo, 2014.
Wallow aysan xukuumadi 9 bilood wax walba ku qaban garin, haddana waxaan si qoraal kooban ah uga hadli doonaa wixii qabsoomay intii muddadaas lagu jiray iyo caqabadihii lala kulmay waxaana qoraalkayaga diirada ku saari doona arrimaha sida; ammaanka guud, maaliyada iyo dhaqaalaha, addeegyada bulshada, nidaamka caddaalada, xirriirka caalamka iyo dawlada dhexe ee federaalka, iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.





Amniga ,wallow amniga guud ee Puntland 90% uu wanaagsanaa, haddana waxaa jiray dhibaatooyin mar-mar dhaca sida weerarada kooxaha argagixisada ay la beegsadaan ciidamada, dadka dawlada u shaqeeya, culimada iyo dadka kale  ee waxgaradka ah.
Xukuumada cusub waxa ay nasiib u yeelatay in ay dhaxasho ciidamo dhisan oo ay u dhamaystirnaayeen qalabkoodii, taasoo aysan nasiib u yeelan xukuumadii ka horaysay ee Faroole oo dhaxashay nidaam aan lahayn ciidan boolis ah iyo ciidamada qalabka-sida oo kala tagay misna aan lahayn sahay, iyo hoggan ammarka kala qaata.
Iyadoo nasiib wanaagaas ay dhaxashay xukuumada cusub ee Gaas, waxaa wasaarada amniga iyo DDR tu bilowday barnaamij lagu diiwaan galinayo  dib u habayna loogu samaynayo ciidamada kala duwan ee qalabka-sida ee Puntland waxaana wasaaradu ay gobolada u dirtay dad soo tirro kooba dhamaan ciidanka Puntland.
Maamulka cusub waxa uu magaalada gaalkacyo oo ahayd meesha ugu amniga liidatay marka loo eego magaalooyinka kale ee Puntland ka bilaabay olole boolis si loo joojiyo hubka sida waadaxa loogu dhex sito guddaha magaalada, iyo ilaalinta amniga guud ee magaalada gaalkacyo oo ku taal xadka Puntland ay la wadaagto koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa tababaro kor loogu qaadayo loo furay ciidamada kala duwan ee Puntland sida, booliska, kuwa asluubta, taraafikada iyo ciidanka madaxtooyada ilaaliya.
Intii lagu dhex  jiray 9 kaas bilood waxaa dhacay labbo iska hor imaad beeleed, dilkii taliyihii ciidanka daraawishta Puntland ee aaga Galgala, isku qarxintii taliyihii booliska gobolka bari iyo dilkii labo nin oo ajnabi ahaa oo UNODC u shaqaynayay oo lagu dilay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.
Ugu dambayna Amnigu waa furaha nolosha muwaadin walba xuquuqdiisa waxaa ugu horeeya waa amniga waayo bulsho cabsi ku nool horumar ma gaarto.





Maaliyada iyo dhaqaalaha, Dhaqaalaha dadweynaha oo si aad u xun loo maamulay waxay kamid ahayd kuwa ugu waa weynaa doodihii 2008 iyo 2014 xilligii ololihii doorashooyinkaas waana arrin dhacda mar walba oo doorasho la galayo.
Xukuumada cusub waxa ay dhaxashay nidaam maaliyadeed wanaagsan oo shaqaynayay lehna dakhli uruurin joogto ah iyo mushahaar bixin joogto ahayd taasoo aysan xukuumadii Faroole dhaxlin sanadkii 2009, inkastoo aysan sanadkii ugu dambeeyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qaarkood mushahaar afsaarin.
Sidoo kale maamulka cusub wuxuu dhaxlay deyn lagu leeyahay dawladii hore iyo santuukh faaruqa, haddana maamulka cusub waxa uu ku guulaystay in uu mushahaar siiyo ciidamada iyo shaqaalaha dawlada muddo bilo ah oo uu ka maqnaa.
Maamulka cusubi wuxuu kalsooni soo celin ku sameeyay ganacsatada Puntland, kadib markii canshuur dhimis loo sameeyay ganacsatada dekeda wax kala soo degta.
Wasaarada maaliyadu waxa ay dardar gelisay canshuurta bariga oo fadhiid ahayd awal.
Ugu dambayna wasaarada maaliyadu waxa ay 31,maarso,2014 baarlamaanka u gudbisay miisaaniyadii sanadka 2014 dawladu ku hawlgali lahayd, oo cadadkeedu ahaa 3,380,688 waxaana miisaaniyadaas ka muuqatay koror marka la bar-bar dhigo tii 2013.

Adeega bulshada, baahiyaha uu biniaadamku u qabo adeega bulshadu waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay waxyaabaha lagama maarmaanka tahay in qof walba uu helo.
Waxbarashada & caafimaadka ayaa marwalba loogu hormariyaa, waayo waa labo arrimood oo aan sinaba looga maarmi garin, daryeelka caafimaadka & waxbarashada Puntland waxay ahaayeen kuwa aad u liita laga soo bilaabo markii la dhisay Puntland. Sababtuna waxay ahayd in aan loo qoondayn hanti ku filan. wasaaradii waxbarashada ee uu wasiirka ka ahaa Cabdi Faarax Juxa waxay ahayd wasaarad kasoo baxday shaqadii loo idmatay waxayna waxbarashada Soomaaliya u noqotay mid ku dayasho mudan oo la mahadiyay, Juxa wuxuu mideeyay imtixaanka shahaadiga ee fasalada 8aad iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare, wuxuu deeq waxbarasho u raadiyay kumanaaan arday reer Puntland. wuxuuna si sharaf badan xilkii uu bulshada Puntland u soo hayay  muddo shan sano ah ugu wareejiyay wasiirka cusub Cali Xaaji Warsame.
Haddaba maxaa Cali uu qabtay 9 kaas bilood oo uu xilga hayay?.
Marka laga tago shaqooyinka caadiga ah ee maalinlaha ah oo wasaaradu qabato, shaqada ugu weyn ee wasaarada waxbarashadu waa diyaarinta manhajka waxbarashada Puntland, tababarka macalimiinta iyo qaadida imtixaanka fasalada 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waana shaqada ugu weyn ee wasaarada waxbarashadu qabato sanad walba, 24, may, 2014, waxaa si rasmiya ugu fariistay imtixaankaas shahaadiga ah  ku dhawaad dhawr kun oo arday oo ku kala galay 9 ka gobol ee Puntland, wuxuuna ugu dambayn 29, may, imtixaanku kusoo dhamaaday guul iyo nabdoonaan, wixii ka horeeyay sanadkii 2010 waxaa imtixaanka centralize laga qaadi jiray oo kaliya iskuulada dawlada hoostaga, balse dadaal badan oo ay samaysay wasaaradii uu Juxa hormuudka u ahaa waxay 5, june, 2010 ku guulaysatay in si isku mida imtixaanka u wada galaan iskuulada dawlada & kuwa gaarka loo leeyahay.
Ugu dambayna 24,june,2014, wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada Cali Xaaji Warsame wuxuu shir caalami ah uga qaybgalay wadanka Belgium ka shirkaas oo looga hadlayay waxbarashada caalamka laguna casumay dawlada Puntland,shirkaas oo markii ugu horeysay ee wasaarada waxbarashadu ka qaybgashay ay ahyd bishii September,2012, magaalada Accra ee wadanka Ghana, shirkaas waxaa soo qabanqaabiyay urur weynaga lagu magacaabo Global Partnership for Education (GPE), waxaana shirkaas Puntland uga soo baxay faaidooyin badan oo waxtar u leh waxbarashada Puntland.
Dhanka kale wasaarada caafimaadka Puntland ayaa shaqada sii wadatay tan iyo markii wasiirka cusub uu xilka la wareegay, wasaaradu wax weyn oo latabaan garo ma aysan soo gordhin 9 kaas bilood marka laga reebo, wacyigelimo aan saas u weyneyn iyo talaalka caruurta ee polio da iyo jadeecada, dad badan ayaa is weydiinaya hoos u dhaca ku yimi shaqadii wasaarada caafimaadka oo xilligii Faroole ahaan jirtay wasaarada labaad oo wadanka ugu shaqada badan.
Si lamida wasaaradaha Dhalinyarada, Sports ka, shaqada iyo shaqaalaha, Degaanka, ganacsiga, warfaafinta, beeraha, kaluumaysiga iyo wasaarada qorshaynta ayaa hawl maalmoodkoodii waajibka ahaa sii watay, wallow aysan qaban wax la taaban karo, tusaale ahaan wasaarada sports ku waxa ay qabatay ciyaarihii gobolada Puntland, wasaarada degaanku ma aysan qaban wax muuqda, shirar mooyee degaanka looga hadlayay, wasaarada kaluumaysigu waxba kama aysan qaban dhibaatada kaluumaysiga sharci darada ah oo lagu hayo baddaha puntland, madaxweynuhu mar uu tagay gobol xeebeedka gaardafuu wuxuu ku tilmaamay kaluumaysiga sharci darada ah ee xeebaha puntland lagu hayo Musiibo qaran.
Dhanka wasaarada Ganacsiga hadaynu eegno yadu waxayba wali ka bixi wayday muran dhanka sharciyada ah ee u dhaxeeya wasaarada iyo rugta Ganacsiga Puntland. Wasaarada Qorshayntu waxa ay bilowday waxa ay ugu yeertay la xisaabtam dhanka haayadaha Puntland ka hawl gala waana uu socdaa barnaamijkaas wali.
Nidaamka Garsoorka, caddaaladu waa furaha wada noolaanshaha, sharciga oo loo simanyahay oo aysan jirin cid sharciga ka saraysa waxay ahayd balanqaadkii ololaha doorashada madaxweyne prof. Gaas, wallow uu san xoog badnayn haddana waxaa wadanka ka jiray nidaam caddaaladeed oo shaqaynaya sida maxkamadaha gobolada ee madaniga ah iyo maxkamadaha ciidanka.
Markii uu xilka la wareegay maamulka cusub, wuxuu u kuur galay xaalada maxaabiista xabsiyada ku jirta gudaha Puntland, waxaana wasiirka cusub ee caddaaladu booqashooyin ku tagay gobolada si uu u ogaado xaalada caddaaladeed ee wadanka ka jirta.
Madaxweynuhu wuxuu magacaabay Guddiga dib u habaynta Cadaalada si dib u habayn loogu sameeyo nidaamka caddaaladeed ee dawlada Puntland, guddikaas wali wuxuu ku guda jira hawshii loo diray.
28, july,2014, digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha wuxuu madaxweynuhu cafis u sameeyay 120 maxbuus oo ku kala xirnaa jeelasha Puntland kuwaaso ku xukunaa dambiyo fudud.
Ugu dambayna maamulka cusub wuxuu ku hawl jiraa in Puntland laga asaaso nidaam garsoor oo suurta galinaya in si dhaqso ah dacwad maxkamadeed loo hor geeyo maxaabiista ku xirxiran jeelasha puntland si ay u helaan garsoor caddaaladeed.
Xirriirka caalamiga ah iyo DF. Soomaaliya,  dawlada Puntland mar walba waxa ay u heelantahay midnimada ummada Soomaaliyeed iyo Soomaaliya oo uu ka hirgalo nidaamka federaalka, sidaas oo kale dawlada Puntland waxaa waajib dastuuriya ka saaran yahay, ilaalinta dadka iyo dalka Puntland.
Si kor loogu qaado xirrirka dawlada Puntland iyo waddamada derisk ah sida, Eithopia,Kenya, Djibouti,Yemen, 9 kaas bilood ee maamulka cusubi jiray madaxweynaha iyo qayb kamid ahaa goleyaasha dawladu waxa ay booqashooyin ku tageen dhamaan dawladaha deriska ah oo aan kor ku xusnay, waxayna la kulmeen madaxda waddamadaas, intii ay socdeen kulamadaas waxa ay Puntland iyo dalalkaas is la garteen sidii loo xoojin lahaa arrimaha soo jireenka ah sida; amniga iyo ganacsiga ee Puntland iyo wadamadaas ka dhaxeeya.
Dawlada cusubi waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto sidii ay xirriir wanaagsan u la yeelan lahayd dalalka deriska ah, dawladaha addunka iyo ururada caalamiga ah.
Dhanka xiriirka dawlada federaalka ee Muqdisho iyo Puntland waxa uu ahaa mid go’an kadib markii maamulkii madaxweyne Faroole uu xiriirka u jaray 5, august, 2013. madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyay in maamulka Muqdisho uu ka baxay heshiisyadii hore ee lagalay, wax ka bedelna ku sameeyay dastuurka federaalka, sidoo kalena aysan Puntland ka helin waxa ay xaqa ugu lahayd maamulka Muqdisho.
Iyadoo xiriirka puntland iyo dawlada federaalku sidaa yahay waxaa puntland janaayo, 2014 ka dhacay isbedel dhanka maamulka ah.
Maamulka cusub ee uu hormuudka u yahay prof. Gaas waxa uu sheegay in wadahadal lagu dhamaynayo muranka Puntland iyo dawlada federaalka, maadaaba buu yiri aysan Puntland iyo federaalka toona midna aysan dani ugu jirin in xiriirku jarnaado.
31, july, 2014,  shir saxaafadeed uu madaxweyne Gaas  ku qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe wuxuu si rasmiya xiriirkii ugu jaray dawlada dhexe ee Muqdisho, kadib markii uu ku eedeeyay qodobo ay kamid ahaayeen in ay baal martay dastuurka Puntland iyo midka ku meelgaar ah ee federaalka.
Waxyaabaha ay Puntland ka xumaatay waxaa ugu weynaa 30,july,2014, markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis maamul loogu dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda federaalka sida, madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.
shirkaas jaraaid ee madaxweyne Gaas ku qabtay habeenkaas 31, july,2014, wuxuu u jeediyay  xubnaha baarlamaanka Puntland u matala dawlada federaalka in ay muddo 15 maalmood gudahood ah ku yimaadaan Puntland si wadatashi loola yeesho, baaqaas madaxweynaha waa ay aqbaleen intoodii badnaydna waa ay yimaadeen.
Wadatashi maalmo socday oo u dhaxeeyay xildhibaanada federaalka Puntland u matala iyo xukuumada Puntland 20,august, 2014, waxaa ka soo baxay war murtiyeed afar qodob ahaa oo uu ugu muhiimsanaa in dawlada Puntland iyo xildhibaanadeedu isla qaateen heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ahaa mid xadgudub ku ah dastuurka Puntland iyo dastuurka federaaalka ee ku meelgaarka ah uuna horseedi karo colaad sokeeye, waxaana wadatashiga goob joog ka hayd guddoomiyaha gudiga ku meel gaarka ah ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya marwo Caasho Geele Diiriye oo Puntland u matalaysay guddigaas kuna timi u yeeri taankii madaxweyne Gaas si wadatashiga ay qayb uga ahaato.
 Ugu dambayna waxaa kaloo qodobadaas kamid ahaa haddii cabashada Puntland ay dawlada federaalku muddo bil ah kaga jawaabi weydo in dawlada Puntland ay qaadi doonto talaabo ku habboon oo uu dastuurkeedu siinayo, wallow aysan wali jirin is afgarad rasmiya labada dhan, muddadii ay Puntland qabatayna waa ay idlaatay.
Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, ka hor asaaskii Puntland gobolada hadda la yiraahdo Puntland ma aysan lahayn waddooyin, garoomo diyaaradeed iyo dekedo waa weyn oo si fiican u shaqayn gara, marka laga reebo waddada isku xirta gobolada waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya, taasoo ay dhiseen shiinaha iyo talyaanigu dabayaaqadii 80 aadkii, waxaana dhulkan horay loo oran jiray “Gaari waa”.
Tan iyo 1998 maamuladii Puntland soo maray kuma aysan guulaysan xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha waddanka, inkastoo aysan tabar weyni jirin haddana waxay sameeyeen wuxuun yar-yar oo dayactir ah gaar ahaan jidka laamiga ee isku xira Boosaaso iyo Gaalkacyo, maamulkii Faroole wuxuu ku guulaystay inuu dhiso waddooyin yar-yar oo gudaha magaalooyinka ah sida; Boosaaso iyo Garoowe oo uu dhawr waddo oo laami ah ka dhisay,maamulka cusub ee prof. Gaas hoggaaminayo wuxuu doorashada ku galay dib u habaynta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland,inkastoo uu waqti yar jirro, haddana waxaa jira tusaalayaal muuqda sida dhismaha, garoomada Boosaaso & Garoowe,  dhisida terminalka garoonka  diyaaradaha Gaalkacyo, iyo dhisida waddada isku xirta Garoowe iyo garoonkeeda diyaaradaha, dhamaan mashaariicdan waxaa ka tagay maamulkii hore ee Faroole waxaana laga sugayaa in maamulka cusubi uu sii wado, Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa la sheegay in qandaraaskii dhismaha ay ku guulaysatay shirkad Chinese ah dhawaana la bilaabi doono halka kan Garoowe qandaraaskiisa la bixin doono dabayaaqada sanadkan 2014, ilaa bisha December.
Ugu dambayna waxaanu warbixintayada kooban ku soo gunaanadi doonaa waxyaabaha looga fadhiyo maamulka cusub ee mudane prof. Gaas oo muddo 5 sano iyo 3 bilood ay u harsantahay, waxyaabaha ugu waa weyn waxaa kow ka ah, waxyaabaha aan ka soo hadalnay sida;  adkaynta ammaanka guud ee Puntland, dardargalinta adeegyada bulshada, dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha,maaraynta maaliyada iyo yaraynta musuqmaasuqa, soo celinta gobolada maqan, kor u qaadida xiriirka caalamka iyo la xisaabtamka dawlada dhexe ee federaalka, dib u habaynta nidaamka garsoorka Puntland, iyo ugu dambayn nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland oo ay xukuumadii Faroole ku guul daraysatay, waxayna kamidtahay hawlaha ugu muhiimsan ee maamulka cusub looga fadhiyo, saldhigna  waxay u noqonaysaa asaasida xisbiyada badan ka hor doorashada 2019, si ay dadweynuhu codkooda si xor ah u dhiibtaan “one man one vote”  waana mid looga gudbi doono dhibaatada siyaasada ku dhisan qabiilka oo dawlada ka dhigtay mid ku salaysan hab qabiil (tribe sharing).
 QORAYAYAASHA:
cabdi cumar bile, diploma of media publication and bachelor of computer science.
maxamed Cumar axmed,diploma of journalism and bachelor of development studies.

Fadan Hadaad rabtid warbixintoo PDF riix links kan si aad u download garaysatid:
https://drive.google.com/?tab=jo&authuser=0#my-drive

1 comment:

Mohammed Omar Ahmed said...

waa maqaal xiiso badan oo xambaarsan macluumaad badan.