8, janaayo, 2014, waxaa Puntland
lagu qabtay doorasho ku dhacday si nabad galyo ah, dimuqraadiyada oo waadax ahayd,
oo ay ku tartameen murashixiin badan oo uu kamid ahaa madaxweynihii xilligaas
mudane Cabdiraxmaan faroole, iyo dhawr murashax madaxweyne ku-xigeeno, prof. Cabdiweli
Maxamed Cali (Gaas) ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dawlada Puntland oo
ku guulaystay 33 cod, codadkii ay bixiyeen 66- da xildhibaan ee baarlamaanka
dawlada Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar(Camay) ayaa loo doortay
madaxweyne-ku-xigeenka cusub ee Dawlada Puntland.
Haddaba muddo 9 bilood ah
ka dib maxaa isbadalay gudaha Puntland, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, amni
ahaan iyo xiriirka dibada ee Puntland?.
Arrinta muhiimka ah oo aan
rabno inaan xusno waxa ay ahyd in maamulkii Faroole laga Dhaxlay in uu dhisay
nidaam dowli ah oo shaqaynayay.
24, janaayo, 2014, xaflad
ay ka soo qaybgaleen marti sharaf badan oo lagu qabtay guriga madaxtooyada Puntland,
madaxweyne prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu la wareegay xafiiska si uu
u hogaamiyo dawlada Puntland shanta sano ee soo socota. Ololihiisa doorashada waxa
uu kaga qaybgalay in isbedel lagu samaynayo dhamaan hayadaha kala duwan ee
dawlada, sida amniga, maaraynta maaliyada, xoojinta garsoorka, dimuqraadiyaynta
wadanka iyo adeega bulshada.
Madaxweynuhu wuxuu marar
badan ku celiyay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo la timaada isbadal
dhab ah iyo in la sameeyo maamul dhab ah oo si rasmiya u shaqaynaya oo leh
maamul wanaag, kala dambayn, hufnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.
25, janaayo, 2014 ,madaxweynaha
dawlada Puntland prof. Cabdiweli Cali Gaas wuxuu si rasmiya u soo magacaabay
golihiisa wasiirada ee cusbaa, madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay
madaxtooyada dawlada Puntland ee Garoowe wuxuu shaaciyay liis ay ku qornaayeen
magacyada wasiirada cusub oo ka koobnaa 47 xubnood oo isugu jiray
wasiiro,wasiir dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno.
Soo magacaabida golaha
wasiirada cusub oo tiradoodu ahayd 47 xubnood, waxa ay durbadiiba dadka ka
dhexdhalisay walaac dhanka tirrada ah, iyo isweydiin balanqaadkii madaxweynuhu
uu ololaha ku galay oo ahaa in Puntland
aysan qaadi Karin xukuumad tirro badan, haddii uu xilka ku guulaystana uu soo dhisi doono xukuumad
tirro yar laakiin tayo badan, 4, febraayo, 2014, madaxweynaha oo ka hadlayay
ansixintii golihiisa wasiirada cusub oo uu baarlamaanka hor keenay waxa uu yiri, “ muddane iyo marwooyin dawlada aan soo
dhisnay waa dawlad koobaysa qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, sida; dhalinyarada,
dumarka,aqoonyahanka, dadka laga tirro badanyahay, siyaasiyiinta iyo dhamaan
qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ku soo xulnay aqoontooda tayadooda iyo
waddatashi guud, waxaa laga yaabaa in aad la yaabtaan tirrada xukuumada laakiin
waxaa kalifay waayaha nagu xeeran”.
Wuxuuna madaxweynuhu
maalintaas baarlamaanka ka codsatay in ay ansixiyaan si aqlabiyad ahaydna
baarlamaanku wuu ku ansixiyay, isla maalintii ku xigtay oo bishu ku beegnayd 5,
febraayo, 2014, waxay wasiiradii cusbaa la wareegeen xafiisyadii loo idmatay,
si ay hawsha u dardar geliyaan waxna uga qabtaan hawlaha muhiimka ah sida;
amniga, maaraynta maaliyada,nidaamka cadaalada iyo adeegyada kale ee bulshada
sida, caafimaadka iyo waxbarashada.
Maamulka cusub wuxuu xukunka la wareegay
iyadoo Puntland iyo dhamaan Soomaaliya inteeda kale ay ka jiraan arrimo la
xirriira dhaqaalo xumo iyo arrimo dhanka amaanka ah oo ay kamidyihiin
argagixisada oo falal amni xumo kawada dhamaan gobolada Soomaaliya iyo wadamada
dariska ah.
Waxaa kale oo jiray
dhibaatooyin maxali ah oo ay ugu waa weynaayeen dagaalada beelaha ee soo noq-noqda,
iyo maqnaanshaha gobolka Sool oo muddo 8 sanno ah gacanta Puntland ka maqnaa. Hawlahaas
adag waxay u baahanyihiin hoggaan karti leh, dulqaad iyo wadashaqayn buuxda oo
u dhaxaysa dawlada iyo shacabka.
Haddaba maqaalkan oo aan u
bixinay ‘ Xaalada Puntland Faroole ka dib’ waa maqaal kooban oo aan kusoo
bandhigayno arrimaha ku saabsan waxqabadkii xukuumada cusub tan iyo markii ay
xafiiska la wareegtay bishii janaayo, 2014.
Wallow aysan xukuumadi 9
bilood wax walba ku qaban garin, haddana waxaan si qoraal kooban ah uga hadli
doonaa wixii qabsoomay intii muddadaas lagu jiray iyo caqabadihii lala kulmay
waxaana qoraalkayaga diirada ku saari doona arrimaha sida; ammaanka guud,
maaliyada iyo dhaqaalaha, addeegyada bulshada, nidaamka caddaalada, xirriirka
caalamka iyo dawlada dhexe ee federaalka, iyo dib u dhiska kaabayaasha
dhaqaalaha.
Amniga
,wallow amniga guud ee Puntland 90% uu wanaagsanaa, haddana waxaa jiray
dhibaatooyin mar-mar dhaca sida weerarada kooxaha argagixisada ay la beegsadaan
ciidamada, dadka dawlada u shaqeeya, culimada iyo dadka kale ee waxgaradka ah.
Xukuumada cusub waxa ay
nasiib u yeelatay in ay dhaxasho ciidamo dhisan oo ay u dhamaystirnaayeen qalabkoodii,
taasoo aysan nasiib u yeelan xukuumadii ka horaysay ee Faroole oo dhaxashay
nidaam aan lahayn ciidan boolis ah iyo ciidamada qalabka-sida oo kala tagay
misna aan lahayn sahay, iyo hoggan ammarka kala qaata.
Iyadoo nasiib wanaagaas ay
dhaxashay xukuumada cusub ee Gaas, waxaa wasaarada amniga iyo DDR tu bilowday
barnaamij lagu diiwaan galinayo dib u
habayna loogu samaynayo ciidamada kala duwan ee qalabka-sida ee Puntland
waxaana wasaaradu ay gobolada u dirtay dad soo tirro kooba dhamaan ciidanka Puntland.
Maamulka cusub waxa uu
magaalada gaalkacyo oo ahayd meesha ugu amniga liidatay marka loo eego magaalooyinka
kale ee Puntland ka bilaabay olole boolis si loo joojiyo hubka sida waadaxa
loogu dhex sito guddaha magaalada, iyo ilaalinta amniga guud ee magaalada
gaalkacyo oo ku taal xadka Puntland ay la wadaagto koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa tababaro
kor loogu qaadayo loo furay ciidamada kala duwan ee Puntland sida, booliska,
kuwa asluubta, taraafikada iyo ciidanka madaxtooyada ilaaliya.
Intii lagu dhex jiray 9 kaas bilood waxaa dhacay labbo iska
hor imaad beeleed, dilkii taliyihii ciidanka daraawishta Puntland ee aaga Galgala,
isku qarxintii taliyihii booliska gobolka bari iyo dilkii labo nin oo ajnabi
ahaa oo UNODC u shaqaynayay oo lagu dilay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.
Ugu dambayna Amnigu waa
furaha nolosha muwaadin walba xuquuqdiisa waxaa ugu horeeya waa amniga waayo
bulsho cabsi ku nool horumar ma gaarto.
Maaliyada iyo dhaqaalaha, Dhaqaalaha dadweynaha oo si aad u xun loo maamulay waxay
kamid ahayd kuwa ugu waa weynaa doodihii 2008 iyo 2014 xilligii ololihii
doorashooyinkaas waana arrin dhacda mar walba oo doorasho la galayo.
Xukuumada cusub waxa ay
dhaxashay nidaam maaliyadeed wanaagsan oo shaqaynayay lehna dakhli uruurin
joogto ah iyo mushahaar bixin joogto ahayd taasoo aysan xukuumadii Faroole
dhaxlin sanadkii 2009, inkastoo aysan sanadkii ugu dambeeyay shaqaalaha dawlada
iyo ciidamada qaarkood mushahaar afsaarin.
Sidoo kale maamulka cusub
wuxuu dhaxlay deyn lagu leeyahay dawladii hore iyo santuukh faaruqa, haddana maamulka
cusub waxa uu ku guulaystay in uu mushahaar siiyo ciidamada iyo shaqaalaha
dawlada muddo bilo ah oo uu ka maqnaa.
Maamulka cusubi wuxuu
kalsooni soo celin ku sameeyay ganacsatada Puntland, kadib markii canshuur dhimis
loo sameeyay ganacsatada dekeda wax kala soo degta.
Wasaarada maaliyadu waxa ay
dardar gelisay canshuurta bariga oo fadhiid ahayd awal.
Ugu dambayna wasaarada
maaliyadu waxa ay 31,maarso,2014 baarlamaanka u gudbisay miisaaniyadii sanadka
2014 dawladu ku hawlgali lahayd, oo cadadkeedu ahaa 3,380,688 waxaana miisaaniyadaas
ka muuqatay koror marka la bar-bar dhigo tii 2013.
Adeega bulshada, baahiyaha uu biniaadamku u qabo adeega bulshadu waxaa
lagu tilmaamaa in ay tahay waxyaabaha lagama maarmaanka tahay in qof walba uu helo.
Waxbarashada
& caafimaadka ayaa marwalba loogu hormariyaa, waayo waa labo arrimood oo
aan sinaba looga maarmi garin, daryeelka caafimaadka & waxbarashada Puntland
waxay ahaayeen kuwa aad u liita laga soo bilaabo markii la dhisay Puntland. Sababtuna
waxay ahayd in aan loo qoondayn hanti ku filan. wasaaradii waxbarashada ee uu wasiirka
ka ahaa Cabdi Faarax Juxa waxay ahayd wasaarad kasoo baxday shaqadii loo
idmatay waxayna waxbarashada Soomaaliya u noqotay mid ku dayasho mudan oo la mahadiyay,
Juxa wuxuu mideeyay imtixaanka shahaadiga ee fasalada 8aad iyo fasalka 4aad ee
dugsiga sare, wuxuu deeq waxbarasho u raadiyay kumanaaan arday reer Puntland.
wuxuuna si sharaf badan xilkii uu bulshada Puntland u soo hayay muddo shan sano ah ugu wareejiyay wasiirka
cusub Cali Xaaji Warsame.
Haddaba
maxaa Cali uu qabtay 9 kaas bilood oo uu xilga hayay?.
Marka
laga tago shaqooyinka caadiga ah ee maalinlaha ah oo wasaaradu qabato, shaqada
ugu weyn ee wasaarada waxbarashadu waa diyaarinta manhajka waxbarashada Puntland,
tababarka macalimiinta iyo qaadida imtixaanka fasalada 8aad ee dugsiga dhexe
iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waana shaqada ugu weyn ee wasaarada waxbarashadu
qabato sanad walba, 24, may, 2014, waxaa si rasmiya ugu fariistay imtixaankaas
shahaadiga ah ku dhawaad dhawr kun oo
arday oo ku kala galay 9 ka gobol ee Puntland, wuxuuna ugu dambayn 29, may,
imtixaanku kusoo dhamaaday guul iyo nabdoonaan, wixii ka horeeyay sanadkii 2010
waxaa imtixaanka centralize laga qaadi jiray oo kaliya iskuulada dawlada
hoostaga, balse dadaal badan oo ay samaysay wasaaradii uu Juxa hormuudka u ahaa
waxay 5, june, 2010 ku guulaysatay in si isku mida imtixaanka u wada galaan
iskuulada dawlada & kuwa gaarka loo leeyahay.
Ugu
dambayna 24,june,2014, wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada Cali Xaaji Warsame
wuxuu shir caalami ah uga qaybgalay wadanka Belgium ka shirkaas oo looga
hadlayay waxbarashada caalamka laguna casumay dawlada Puntland,shirkaas oo
markii ugu horeysay ee wasaarada waxbarashadu ka qaybgashay ay ahyd bishii
September,2012, magaalada Accra ee wadanka Ghana, shirkaas waxaa soo
qabanqaabiyay urur weynaga lagu magacaabo Global Partnership for Education
(GPE), waxaana shirkaas Puntland uga soo baxay faaidooyin badan oo waxtar u leh
waxbarashada Puntland.
Dhanka
kale wasaarada caafimaadka Puntland ayaa shaqada sii wadatay tan iyo markii
wasiirka cusub uu xilka la wareegay, wasaaradu wax weyn oo latabaan garo ma
aysan soo gordhin 9 kaas bilood marka laga reebo, wacyigelimo aan saas u
weyneyn iyo talaalka caruurta ee polio da iyo jadeecada, dad badan ayaa is
weydiinaya hoos u dhaca ku yimi shaqadii wasaarada caafimaadka oo xilligii Faroole
ahaan jirtay wasaarada labaad oo wadanka ugu shaqada badan.
Si
lamida wasaaradaha Dhalinyarada, Sports ka, shaqada iyo shaqaalaha, Degaanka,
ganacsiga, warfaafinta, beeraha, kaluumaysiga iyo wasaarada qorshaynta ayaa
hawl maalmoodkoodii waajibka ahaa sii watay, wallow aysan qaban wax la taaban
karo, tusaale ahaan wasaarada sports ku waxa ay qabatay ciyaarihii gobolada Puntland,
wasaarada degaanku ma aysan qaban wax muuqda, shirar mooyee degaanka looga
hadlayay, wasaarada kaluumaysigu waxba kama aysan qaban dhibaatada kaluumaysiga
sharci darada ah oo lagu hayo baddaha puntland, madaxweynuhu mar uu tagay gobol
xeebeedka gaardafuu wuxuu ku tilmaamay kaluumaysiga sharci darada ah ee xeebaha
puntland lagu hayo ‘ Musiibo qaran’.
Dhanka
wasaarada Ganacsiga hadaynu eegno yadu waxayba wali ka bixi wayday muran dhanka
sharciyada ah ee u dhaxeeya wasaarada iyo rugta Ganacsiga Puntland. Wasaarada Qorshayntu
waxa ay bilowday waxa ay ugu yeertay la xisaabtam dhanka haayadaha Puntland ka
hawl gala waana uu socdaa barnaamijkaas wali.
Nidaamka Garsoorka, caddaaladu waa furaha wada noolaanshaha, sharciga oo
loo simanyahay oo aysan jirin cid sharciga ka saraysa waxay ahayd balanqaadkii
ololaha doorashada madaxweyne prof. Gaas, wallow uu san xoog badnayn haddana
waxaa wadanka ka jiray nidaam caddaaladeed oo shaqaynaya sida maxkamadaha
gobolada ee madaniga ah iyo maxkamadaha ciidanka.
Markii
uu xilka la wareegay maamulka cusub, wuxuu u kuur galay xaalada maxaabiista
xabsiyada ku jirta gudaha Puntland, waxaana wasiirka cusub ee caddaaladu
booqashooyin ku tagay gobolada si uu u ogaado xaalada caddaaladeed ee wadanka
ka jirta.
Madaxweynuhu
wuxuu magacaabay Guddiga dib u habaynta Cadaalada si dib u habayn loogu sameeyo
nidaamka caddaaladeed ee dawlada Puntland, guddikaas wali wuxuu ku guda jira
hawshii loo diray.
28,
july,2014, digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha wuxuu madaxweynuhu cafis
u sameeyay 120 maxbuus oo ku kala xirnaa jeelasha Puntland kuwaaso ku xukunaa
dambiyo fudud.
Ugu
dambayna maamulka cusub wuxuu ku hawl jiraa in Puntland laga asaaso nidaam garsoor
oo suurta galinaya in si dhaqso ah dacwad maxkamadeed loo hor geeyo maxaabiista
ku xirxiran jeelasha puntland si ay u helaan garsoor caddaaladeed.
Xirriirka caalamiga ah iyo DF. Soomaaliya, dawlada Puntland
mar walba waxa ay u heelantahay midnimada ummada Soomaaliyeed iyo Soomaaliya oo
uu ka hirgalo nidaamka federaalka, sidaas oo kale dawlada Puntland waxaa waajib
dastuuriya ka saaran yahay, ilaalinta dadka iyo dalka Puntland.
Si
kor loogu qaado xirrirka dawlada Puntland iyo waddamada derisk ah sida,
Eithopia,Kenya, Djibouti,Yemen, 9 kaas bilood ee maamulka cusubi jiray
madaxweynaha iyo qayb kamid ahaa goleyaasha dawladu waxa ay booqashooyin ku
tageen dhamaan dawladaha deriska ah oo aan kor ku xusnay, waxayna la kulmeen
madaxda waddamadaas, intii ay socdeen kulamadaas waxa ay Puntland iyo dalalkaas
is la garteen sidii loo xoojin lahaa arrimaha soo jireenka ah sida; amniga iyo
ganacsiga ee Puntland iyo wadamadaas ka dhaxeeya.
Dawlada
cusubi waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto sidii ay xirriir wanaagsan u la
yeelan lahayd dalalka deriska ah, dawladaha addunka iyo ururada caalamiga ah.
Dhanka
xiriirka dawlada federaalka ee Muqdisho iyo Puntland waxa uu ahaa mid go’an
kadib markii maamulkii madaxweyne Faroole uu xiriirka u jaray 5, august, 2013.
madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyay in maamulka Muqdisho uu ka baxay
heshiisyadii hore ee lagalay, wax ka bedelna ku sameeyay dastuurka federaalka, sidoo
kalena aysan Puntland ka helin waxa ay xaqa ugu lahayd maamulka Muqdisho.
Iyadoo
xiriirka puntland iyo dawlada federaalku sidaa yahay waxaa puntland janaayo,
2014 ka dhacay isbedel dhanka maamulka ah.
Maamulka
cusub ee uu hormuudka u yahay prof. Gaas waxa uu sheegay in wadahadal lagu
dhamaynayo muranka Puntland iyo dawlada federaalka, maadaaba buu yiri aysan Puntland
iyo federaalka toona midna aysan dani ugu jirin in xiriirku jarnaado.
31,
july, 2014, shir saxaafadeed uu
madaxweyne Gaas ku qabtay xarunta
madaxtooyada Garoowe wuxuu si rasmiya xiriirkii ugu jaray dawlada dhexe ee Muqdisho,
kadib markii uu ku eedeeyay qodobo ay kamid ahaayeen in ay baal martay
dastuurka Puntland iyo midka ku meelgaar ah ee federaalka.
Waxyaabaha
ay Puntland ka xumaatay waxaa ugu weynaa 30,july,2014, markii Muqdisho lagu
saxiixay heshiis maamul loogu dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ay goob
joog ka ahaayeen madaxda federaalka sida, madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.
shirkaas
jaraaid ee madaxweyne Gaas ku qabtay habeenkaas 31, july,2014, wuxuu u jeediyay
xubnaha baarlamaanka Puntland u matala dawlada
federaalka in ay muddo 15 maalmood gudahood ah ku yimaadaan Puntland si
wadatashi loola yeesho, baaqaas madaxweynaha waa ay aqbaleen intoodii badnaydna
waa ay yimaadeen.
Wadatashi
maalmo socday oo u dhaxeeyay xildhibaanada federaalka Puntland u matala iyo xukuumada
Puntland 20,august, 2014, waxaa ka soo baxay war murtiyeed afar qodob ahaa oo
uu ugu muhiimsanaa in dawlada Puntland iyo xildhibaanadeedu isla qaateen
heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud
uu ahaa mid xadgudub ku ah dastuurka Puntland iyo dastuurka federaaalka ee ku
meelgaarka ah uuna horseedi karo colaad sokeeye, waxaana wadatashiga goob joog
ka hayd guddoomiyaha gudiga ku meel gaarka ah ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya
marwo Caasho Geele Diiriye oo Puntland u matalaysay guddigaas kuna timi u yeeri
taankii madaxweyne Gaas si wadatashiga ay qayb uga ahaato.
Ugu dambayna waxaa kaloo qodobadaas kamid ahaa
haddii cabashada Puntland ay dawlada federaalku muddo bil ah kaga jawaabi weydo
in dawlada Puntland ay qaadi doonto talaabo ku habboon oo uu dastuurkeedu
siinayo, wallow aysan wali jirin is afgarad rasmiya labada dhan, muddadii ay Puntland
qabatayna waa ay idlaatay.
Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, ka hor asaaskii Puntland gobolada hadda la yiraahdo Puntland
ma aysan lahayn waddooyin, garoomo diyaaradeed iyo dekedo waa weyn oo si fiican
u shaqayn gara, marka laga reebo waddada isku xirta gobolada waqooyi iyo
koonfurta Soomaaliya, taasoo ay dhiseen shiinaha iyo talyaanigu dabayaaqadii 80
aadkii, waxaana dhulkan horay loo oran jiray “Gaari waa”.
Tan
iyo 1998 maamuladii Puntland soo maray kuma aysan guulaysan xoojinta kaabayaasha
dhaqaalaha waddanka, inkastoo aysan tabar weyni jirin haddana waxay sameeyeen
wuxuun yar-yar oo dayactir ah gaar ahaan jidka laamiga ee isku xira Boosaaso
iyo Gaalkacyo, maamulkii Faroole wuxuu ku guulaystay inuu dhiso waddooyin
yar-yar oo gudaha magaalooyinka ah sida; Boosaaso iyo Garoowe oo uu dhawr waddo
oo laami ah ka dhisay,maamulka cusub ee prof. Gaas hoggaaminayo wuxuu
doorashada ku galay dib u habaynta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland,inkastoo uu
waqti yar jirro, haddana waxaa jira tusaalayaal muuqda sida dhismaha, garoomada
Boosaaso & Garoowe, dhisida
terminalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,
iyo dhisida waddada isku xirta Garoowe iyo garoonkeeda diyaaradaha, dhamaan
mashaariicdan waxaa ka tagay maamulkii hore ee Faroole waxaana laga sugayaa in
maamulka cusubi uu sii wado, Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa la sheegay
in qandaraaskii dhismaha ay ku guulaysatay shirkad Chinese ah dhawaana la
bilaabi doono halka kan Garoowe qandaraaskiisa la bixin doono dabayaaqada
sanadkan 2014, ilaa bisha December.
Ugu
dambayna waxaanu warbixintayada kooban ku soo gunaanadi doonaa waxyaabaha looga
fadhiyo maamulka cusub ee mudane prof. Gaas oo muddo 5 sano iyo 3 bilood ay u
harsantahay, waxyaabaha ugu waa weyn waxaa kow ka ah, waxyaabaha aan ka soo
hadalnay sida; adkaynta ammaanka guud ee
Puntland, dardargalinta adeegyada bulshada, dib udhiska kaabayaasha
dhaqaalaha,maaraynta maaliyada iyo yaraynta musuqmaasuqa, soo celinta gobolada
maqan, kor u qaadida xiriirka caalamka iyo la xisaabtamka dawlada dhexe ee
federaalka, dib u habaynta nidaamka garsoorka Puntland, iyo ugu dambayn
nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland oo ay xukuumadii Faroole ku guul daraysatay,
waxayna kamidtahay hawlaha ugu muhiimsan ee maamulka cusub looga fadhiyo,
saldhigna waxay u noqonaysaa asaasida xisbiyada
badan ka hor doorashada 2019, si ay dadweynuhu codkooda si xor ah u dhiibtaan
“one man one vote” waana mid looga gudbi
doono dhibaatada siyaasada ku dhisan qabiilka oo dawlada ka dhigtay mid ku
salaysan hab qabiil (tribe sharing).
QORAYAYAASHA:
cabdi cumar bile, diploma of media
publication and bachelor of computer science.
maxamed Cumar axmed,diploma of
journalism and bachelor of development studies.
Fadan Hadaad rabtid warbixintoo PDF riix links kan si aad u download garaysatid:
https://drive.google.com/?tab=jo&authuser=0#my-drive
Fadan Hadaad rabtid warbixintoo PDF riix links kan si aad u download garaysatid:
https://drive.google.com/?tab=jo&authuser=0#my-drive
1 comment:
waa maqaal xiiso badan oo xambaarsan macluumaad badan.
Post a Comment