xulka qaranka soomaaliya
Halkaani
waa meherad lagu caweeyo oo lagu daawado ciyaaraha horyaalada yurub iyo dhamaan
sportska qaybihiisa kala duwan, waxa ay ku taalaa bartamaha magaalada garoowe,
xilligu waa caweysinkii waxaa goobta fadhiya dhalinyaro sports ah iyo
dhalinyaro kale oo xiiseeya daawashada ciyaaraha, ka sokow daawashada ciyaaraha
meheradu waa bar kulameed ay dhalinyaro badan
ku falanqeeyaan ciyaaraha caalamka iyo kuwa gudahaba.
Ilaahay
amarkii mid kamid ah dhalinyarad baa waxaa afkiisa ka yeertay “ dhawaan waxaan
maqlayay in ciyaarihii gobolada soomaaliya laqabanayo” saa ku galaa yiri “oo xagee lagu qaban”
markaasu ku jawaabay “muqdisho” suuyeen “
ma dhici garto”, markaasaa kii kale yiri “ maaqaan walaahi saasay leeyihiin
dadku”, anigu waan ak fadhiyaa dhamaan asxaabtaasna waan aqaanaa, waxayna isugu
jiraan asxaab sports ah iyo kuwo waxbarta waliba gaarsiisan heer jaamacadeed.
Markaasaan
hadalkii qaatay “ sidee saaxiib aan muqdisho loogu qaban garin ciyaaraha
gobolada soomaaliya soo magaalo soomaaliyeed maaha?” suuyeen “ war muqdisho waa
magaalo qabiil amaana maaha, meel wax lagu qaban garana maaha” markaasaan
waxaan ku jawaabay sxb saddex maseloba maanta waa loogu qaban garaa tartanka ciyaaraha
gobolda soomaaliya:
1. Muqdisho waa
caasimadii soomaaliya
2. Muqdisho maanta
waa amaan oo dhamaan gacan haynteeda dawlada federaalkaa gacanta ku haya.
3. Maanta muqdisho
waxaa laga hirgaliyay garoon casriyah oo lamid ah kuwa maanta ay wadamada
horumaray ku ciyaaraan, ugu dambayna waa magaalo aad u weyn oo adeeg walba oo
aad u baahantahay aad ka heli garto.
Halkaas
markay sheegadu marayso baan nin kale I weydiiyay oo maxaa garoowe loogu qabtay
oo muqdisho loogu qaban waayay kuwii 2010,
Markaasaan
si degen ugu jawaabay “waa mahadsantahay saaxiib waa su’aal fiican eeg markii
garoowe lagu qabanayay horta muqdisho dawladu gacanta kuma wada hayn sanadkii
2010, midda kale ma aysan lahayn garoonka maanta ay leedahay oo stadium (cons)
wuxuu ahaa meel xero u ah ciidamada nabad ilaalinta ee Amison, saasbaa keentay
in garoowe loogu qabto, teeda kale maaha in muqdisho kaliya lagu qaban karo markasta
magaalooyinka kale ee dalka waa lagu qaban garaa laakiin waa haddii laga helo
shuruudaha ay kamid yihiin garoomo fiican, nabadgalyo buuxda, soo dhaweyn dadka
martida ah iwm.
Ugu
dambayna si fiican baan dhalinta isku fahanay, walow aan la inkiri karin fikir kala duwanaanshaha siyaasiyiinta soomaaliyeed
haysata ay mar walba saamayso horumarka arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo
ciyaaraha iwm.
Ciyaaruhu
waxa ay kaalinta kowaad kaga jiraan isdhexgalka bulshada, anigu waxaan kamid
ahaa wariyaashii sida hawlgarnimada lahayd uga shaqaynayay ciyaarihii 18 ee
gobolada soomaaliya oo garoowe lagu qabtay bishii december 2010, waxaan warar iyo sawiro mar walba soo
galin jiray bogaga websiteyada sidoo kale waxaan falaanqeeye u ahaa radio
gaalkacyo, waxaan is baranay ciyaartooy badan oo 15 gobol oo soomaali ah ka kala
yimi, waxaan aad u xasuustaa sidii wacnayd ee dadka reer garoowe ay u soo
dhaweeyeen min bilow ilaa dhamaad oo xulkii banaadir ay koobkii kula
damaashaadayeen garoowe, waxaan
xasuustaa sidii wanaaga lahayd oo ay ciidamada kala duwan ee dawlada
puntland uga shaqaynayeen amaanga, iyadoo waliba madaxweyne c/raxmaan faroole
uu laba jibaar ugu daray kooxihii fiinaalka yimi lacagihii abaal marinta ahaa
oo ay xiriirka soomaaliyeed ugu tala galeen, waxaan kaloo xasuustaa shaqadii
adkayd ee hayeen xiriirka kubada cagta soomaaliyeed gaar ahaan xoghaye c/qani
siciid carab oo har iyo habeenba 15 berri ay ciyaaruhu socdeen aan nasan,
xaalkuse carab baa horay uga maahmaahday oo tiri “ laa shukra calal waajiib” .
Isdhexgaal
kaas ay ciyaarahaasi keeneen waxaan idiin soo gudbin hal tusaale, garoowe waxaa
jooga ciyaartooy badan oo kayimi goboladii soomaaliyeed ee tartankaas ka qayb
galay iyagoo nolol cusub garoowe ka samaystay, waxay kamid yihiin dhalinyarada
reer garoowe waxa ay ka ciyaaraan kooxaha magaalada ka dhisan, waxa gobolku u
qaadeen koobkii ugu horeeyay ee uu qaado koobka gobolda puntland 2012, waxaa
laga xusi garaa ragaas labo nin oo ciyaarihii gobolada soomaaliya u safnaa
gobolada shabeelaha dhexe iyo shabeelada hoose,labadaas ciyaar yahan waxa ay
laf dhabar u ahaayeen kooxdii gobolka u horseeday in uu ku guulaysto koobka
gobolada puntland 2012, kooxdii ay dadka gobolku u bixiyeen (xidigaha
gaagaaban)
Waxaan
ugu dambayn ku soo gunaanadi lahaa talo aan u jeedinayo dhalinyarada xiiseeya
sports ka ee soomaaliyeed oo aan kula talin lahaa in ay ku dadaalaan
horumarinta xirfada sports kana fogaadaan wax walba oo sharaftooda dhaawici
gara sida qabyaalad, akhlaaaq xumo iyo maandooriyaasha.
Waxaan
kaloo xiriirka kubada cagta soomaaliya u soo jeedin laha kula talinayaa in ay
booqdaan oo ay taageero ka gaystaan dhamaan sports ka iyo kooxaha ka jira
gobolada soomaaliyeed, oo aysan muqdisho oo kaliya ku ekaan ma xuma in ay
xaruntoodu noqoto muqdisho oo waa sax laakiin waa in ay gobolada kale ka
shaqeeyaan ileen waxay ku maga caaban yihiin xiriirkii kubada cagta soomaaliyee…
w/q:
cabdiyare cumar bile
|
No comments:
Post a Comment