Monday, January 27, 2014

Cothenburg, Sweden oo laga soo dhaweeyey Hogaanka Cusub ee Puntland


Xaflad Si heer sare  loo agaasimay oo lagu soo dhoweynayo madaxda cusub ee Puntland uu hormuud ka yahay Prof. Cabdiweli Mohamed Cali Gas laguna sagootinayey Madaxdii hore ee uu ugu horeeyo Dr Cabdirahman Mohamed Mohamud Faroole.

Dadweyne aad u tiro  badan oo soomali ah oo ay ka muuqato shucuur wadanimo   ayaa ka soo qaybgalay xafladda iyagoo soo dhoweeynayo  madaxweynaha cusub Prof. Cabdiweli Mohamed Gas, madaxweyne ku-xigeenka  Cabdixakim Cabdullahi  Xaji Cumar Camey iyo  Gudoomiye golaha wakiilada Puntland mudane siciid Hassan Shire iyo madaxdii hore uu ugu horeyo Dr Cabdirahman Mohamed Mohamud Faroole.
Dhammaan dadkii goobta ka hadlay oo ay mid ahaayeen Cabdullahi Mohamed Ahmed ( Cabdullahi Jowhar ) oo ahaa gudomiyaha guddiga qabanqaabada xafladda, aqoonyahannada , oday dhameedyo, dhalinyarro iyo haween oo ay ka mid yihiin: Abdirizak Garweyne, Bile hashi,Cabdulkadir sheekhuna, Cabdiasis Hussein Hirsi, macalin Aden oor, Mohamed Diini, Mohamed Nuur, Suldan caweyr, Faarax Khudeyf, Bashiir, Cabdixakiin, Mohamed Hassan iyo Bardacad, Istahil  Mohamed, Safiyo Awaare, Caasho Cawar iyo Ruqiya Hassan waxay  dhammaan taageero buuxdo u fidiyeen madaxda cusub , waxay ammaan  ballaaaran u soo jeediyeen madaxdii hore oo Puntland horumar wanaagsan gaarsiiyey.
Waxa sidoo kale halkaa dareenkooda ku cabiray sugaan Hawo Qodmadoobe, Hodan , Fowsiyo, abaan khaliif iyo abwaan Xuseen Goodle. Madaxweyne Prof . cabdiweli Mohamed Cali Gaas ayaa khadka telefoonka kaga qaybgalay xaflad isagoo  halkaa ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Xaflada waxa heeso wadani ah ku madadaalinayey fanaanka weyn Hassan Wado oo halkaa ka qaadayey heeso wadani.
Xafladda waxay ku soo gabagaboodey jawi heer sare ah.

Video-ga Qoraalka halkaan ka daawo



No comments: