Monday, January 27, 2014

Warbaahinta iyo doorashada puntland



Waa hadal, hase yeeshee shaqada warbaahintu xilliga ay jiraan ololeyaasha doorashada, sida runta ah, waa muhiimad aad u weyn.
Fikradaha madaxabanaan, sharafta iyo xirfadnimadu waa caafimaad qabka soo-tebinta doorashada.
Ismaamul la’aan saxaafadeed ama mid masuuliyadeed waxay bedeshaa muuqaalka warbaahinta, iyadoo sababta khatargelin iyo waxyeelayn natiijada doorashada.
Doorashooyinku waa caqabada ugu weyn ee warbaahinta soo wajahda,  markaas warbaahinta waxa looga baahanyahay hawlgarnimo ku salaysan shaqo hufan.
Warbaahintu waxa ay u baahanyihiin inay yaqaanaan sharciyada doorashooyinka, iyadoo waddan walba uu leeyahay sharci u gaar ah doorashada iyo mawduucyada olole.
Haddana  qaybo kamid ah aduunka, waxaa ka jira qaab loo tixgeliyo doorashadu in ay tahay xor iyo xaq, waxaana jira xuquuqyo iyo masuuliyad saxaafad walba taqaan, laguna wargeliyo bulshada.
Warbaahinta waxaa waajib ku ah, in ay si xaq ah oo cadaaladi ku jirto uga soo waramaan dhamaan ololeyaasha iyo warbixinada muhiimka ah.
Warbaahintu waa in ay noqdaan codka bulshada, warbaahintu waa in ay lahaadaan heer xirfadeed oo huwan, saxnaan, eex la’aan iyo masuuliyad.


Warbaahinta warbixinta wanaagsan waqtiga doorashada

Waa midda muwaadiniinta si wacan ugu wargelisa go’aamada doorashada, waxaana waajib ah in ay tahay warbaahin xor ah, waa in ay tahay mid lagu kalsoonaan karo, lana aamini karo, nasiib daro waxaa jira meelaha qaar in saxaafada lagu khasbo in ay ku shaqeeyaan awaamiirta dawlada.

Maxaa kamid ah warbaahinta warbixinta wanaagsan ?

1.     Saxnaan
Helida warbixin sax ah, waa qaybta ugu muhiimsan ee warbaahinta wanaagsan.
Wax walba oo laga soo waramo waxa waajib ah, in la muujiyo saxnaanshaheeda, tusaale ahaan, olelaha musharixiinta iyo fikradaha dadweynaha.
2.     Eex lahayn ( isku dheelitir, xaq ah )
Qiyaastii qodob walba oo warbaahinta wanaagsan wuxuu dhigayaa muhiimadu in ay tahay ( eex la’aan ) hadaba si loogu guulaysto cadaalada, suxufiga wanaagsan waa in uu doonaa soo-saarida warbixin dheelitiran. Si ay u dheelitirnaatana waa in ay kamid yihiin labada dhinacba, tusaale ahaan hadi musharax siyaasadeed uu dacwoodo ama uu balanqaado balanqaadyo waxqabad, wariyaha wanaagsan waa in uu raadiyaa falceliska musharixiinta kale, kana sameeyaa warbixin isku dheelitiran.
Waxaana loo baahanyahay shaqo badan, si loogu guulaysto isku dheelitir iyo xaqsoor ku salaysan warbixin walba,  sababtoo ah sheeko walba waxa ay kahadlaysaa ugu yaraan labo dhinac.
Xataa haddii aad ka shaqaysid warbaahin, urur ama qolo gaar ah taageerta, wariyeyaasha xirfada leh, waxa ay isku dayaan in aysan eexasho samayn, warbixintoodana miisaamaan.
Sidoo kale haddii ay ka shaqeeyaan warbaahinta dawlada, warbixintooda waa in ay kamid yihiin wararka quseeya, kooxaha muucaradka ah, waana taas mida warbixintooda ka dhigaysa mid isku dheelitiran oo in badana macquul ah.
Milkiileyaasha warbaahinta gaarka ah iyo tan dawladuba waa in ay dhawraan faalooyinka siyaasadeed iyo fikradaha kala duwan ee bulshada.
Wariyaha xirfada leh, maahan hogaamiye siyaasadeed, ama mid koox gaar ah u dhaq dhaqaaqa, warbixintiisa waa in lagu tixgeliyo, cadaalad iyo dhex dhexaadnimo.
Cadaalada iyo dhex dhexaadnimadu, macnaheedu waxa weeye in wariyaha waajib ay ku tahay in uusan wax door taageero ah kulahaan ololeha doorashada, xataa haday ahaan lahayd taageero maaliyadeed.
3.     Masuuliyad
Wariyeyaasha waxaa waajib (xil) ka saaranyahay dadka ay warbixintu ku saabsantahay iyo bulshada ay warbixinada ka helayaan, warbaahinta waxaa masuuliyad ka saarantahay in ay ilaaliyaan meelaha ay macluumaadka ka heleen, waa haddii dadkaas warka laga helay ay codsadaan in aan magacooda la sheegin, sababo jira oo ay ugu horeyso ammaanka dadkaas awgeed, waana in sidaas lagu cadeeyaa warbixinta.
Dad badan baan wariyeyaasha u sheegin warar muhiim ah,  tusaale ahaan, musuq maasuq oo kale, sababtoo ah waxa ay ka baqdin qabaan in magacooda la sheegayo.
Ugu dambayna waa in ay warbaahintu qof hadal uusan oran laga sheegin.
Soo-tebinta ololeyaasha 
Inta badan ololeyaasha doorashadu waxa ay ka koobanyihiin, khudbooyin badan, isku soo baxyo, iyo shirar saxaafadeedyo.
Wariyeyaasha xirfada leh waa in aysan naqdiyid ku samayn hadalo musharax siyaasadeed yiri, oo ay isku arkaan in aysan dhana raacsanayn, warbixinada miisaaman ee wariyeyaasha waxa ay yaraysaa khatarta ka dhalan garta dhinacyada ku loolamaya minbarka siyaasadeed.
Ururada saxaafada, maamulayaasha warbaahinada, iyo milkiileyaashuba waa in ay dhex dhexaad u noqdaan musharixiinta siyaasadeed iyo dawladaba, si loo xushmeeyo, korna loogu qaado amniga saxaafada, Wariyeyaashu waa in aysan ku milmin ololeyaasha siyaasadeed, saxaafadu waa in aysan hubqaadan, sidoo kalena waa in ay sheegaan haddii weerar ama hanjabaad loo geysto.

Ugu dambayna aaminaadu waa raasumaalka ugu muhiimsan ee warbaahinta, saxnaanshuhuna waa habka ugu fiican ee difaaca.
Waxa aan maqaalkayga kusoo gunaanadi lahaa xikmada oranaysa: xoriyadu waa marka dadku hadli karaan, dimuqraadiyadu waa marka dawladu dhegaysanayso, warbaahintuna  waa farriin side.
WQ: Abdi omar bile, diploma of journalism studies and degree of computer science.
Email:  Eng.bille@gmail.com       Tell: 252907-794517

No comments: