Thursday, March 6, 2014

“AYNU KALA SAARNO SPORTSKA IYO FIKIRKA SIYAASADEED”

xulka qaranka soomaaliya


Halkaani waa meherad lagu caweeyo oo lagu daawado ciyaaraha horyaalada yurub iyo dhamaan sportska qaybihiisa kala duwan, waxa ay ku taalaa bartamaha magaalada garoowe, xilligu waa caweysinkii waxaa goobta fadhiya dhalinyaro sports ah iyo dhalinyaro kale oo xiiseeya daawashada ciyaaraha, ka sokow daawashada ciyaaraha meheradu waa bar kulameed ay dhalinyaro badan  ku falanqeeyaan ciyaaraha caalamka iyo kuwa gudahaba.
Ilaahay amarkii mid kamid ah dhalinyarad baa waxaa afkiisa ka yeertay “ dhawaan waxaan maqlayay in ciyaarihii gobolada soomaaliya laqabanayo”  saa ku galaa yiri “oo xagee lagu qaban” markaasu ku jawaabay “muqdisho”  suuyeen “ ma dhici garto”, markaasaa kii kale yiri “ maaqaan walaahi saasay leeyihiin dadku”, anigu waan ak fadhiyaa  dhamaan  asxaabtaasna waan aqaanaa, waxayna isugu jiraan asxaab sports ah iyo kuwo waxbarta waliba gaarsiisan heer jaamacadeed.
Markaasaan hadalkii qaatay “ sidee saaxiib aan muqdisho loogu qaban garin ciyaaraha gobolada soomaaliya soo magaalo soomaaliyeed maaha?” suuyeen “ war muqdisho waa magaalo qabiil amaana maaha, meel wax lagu qaban garana maaha” markaasaan waxaan ku jawaabay sxb saddex maseloba maanta waa loogu qaban garaa tartanka ciyaaraha gobolda soomaaliya:
1.      Muqdisho waa caasimadii soomaaliya
2.      Muqdisho maanta waa amaan oo dhamaan gacan haynteeda dawlada federaalkaa gacanta ku haya.
3.      Maanta muqdisho waxaa laga hirgaliyay garoon casriyah oo lamid ah kuwa maanta ay wadamada horumaray ku ciyaaraan, ugu dambayna waa magaalo aad u weyn oo adeeg walba oo aad u baahantahay aad ka heli garto.
Halkaas markay sheegadu marayso baan nin kale I weydiiyay oo maxaa garoowe loogu qabtay oo muqdisho loogu qaban waayay kuwii 2010,
Markaasaan si degen ugu jawaabay “waa mahadsantahay saaxiib waa su’aal fiican eeg markii garoowe lagu qabanayay horta muqdisho dawladu gacanta kuma wada hayn sanadkii 2010, midda kale ma aysan lahayn garoonka maanta ay leedahay oo stadium (cons) wuxuu ahaa meel xero u ah ciidamada nabad ilaalinta ee Amison, saasbaa keentay in garoowe loogu qabto, teeda kale maaha in muqdisho kaliya lagu qaban karo markasta magaalooyinka kale ee dalka waa lagu qaban garaa laakiin waa haddii laga helo shuruudaha ay kamid yihiin garoomo fiican, nabadgalyo buuxda, soo dhaweyn dadka martida ah iwm.

                                                                                                
Ugu dambayna si fiican baan dhalinta isku fahanay, walow aan la inkiri karin  fikir kala duwanaanshaha siyaasiyiinta soomaaliyeed haysata ay mar walba saamayso horumarka arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo ciyaaraha iwm.
Ciyaaruhu waxa ay kaalinta kowaad kaga jiraan isdhexgalka bulshada, anigu waxaan kamid ahaa wariyaashii sida hawlgarnimada lahayd uga shaqaynayay ciyaarihii 18 ee gobolada soomaaliya oo garoowe lagu qabtay bishii december  2010, waxaan warar iyo sawiro mar walba soo galin jiray bogaga websiteyada sidoo kale waxaan falaanqeeye u ahaa radio gaalkacyo, waxaan is baranay ciyaartooy badan oo 15 gobol oo soomaali ah ka kala yimi, waxaan aad u xasuustaa sidii wacnayd ee dadka reer garoowe ay u soo dhaweeyeen min bilow ilaa dhamaad oo xulkii banaadir ay koobkii kula damaashaadayeen garoowe, waxaan  xasuustaa sidii wanaaga lahayd oo ay ciidamada kala duwan ee dawlada puntland uga shaqaynayeen amaanga, iyadoo waliba madaxweyne c/raxmaan faroole uu laba jibaar ugu daray kooxihii fiinaalka yimi lacagihii abaal marinta ahaa oo ay xiriirka soomaaliyeed ugu tala galeen, waxaan kaloo xasuustaa shaqadii adkayd ee hayeen xiriirka kubada cagta soomaaliyeed gaar ahaan xoghaye c/qani siciid carab oo har iyo habeenba 15 berri ay ciyaaruhu socdeen aan nasan, xaalkuse carab baa horay uga maahmaahday oo tiri “ laa shukra calal waajiib” .
Isdhexgaal kaas ay ciyaarahaasi keeneen waxaan idiin soo gudbin hal tusaale, garoowe waxaa jooga ciyaartooy badan oo kayimi goboladii soomaaliyeed ee tartankaas ka qayb galay iyagoo nolol cusub garoowe ka samaystay, waxay kamid yihiin dhalinyarada reer garoowe waxa ay ka ciyaaraan kooxaha magaalada ka dhisan, waxa gobolku u qaadeen koobkii ugu horeeyay ee uu qaado koobka gobolda puntland 2012, waxaa laga xusi garaa ragaas labo nin oo ciyaarihii gobolada soomaaliya u safnaa gobolada shabeelaha dhexe iyo shabeelada hoose,labadaas ciyaar yahan waxa ay laf dhabar u ahaayeen kooxdii gobolka u horseeday in uu ku guulaysto koobka gobolada puntland 2012, kooxdii ay dadka gobolku u bixiyeen (xidigaha gaagaaban)
Waxaan ugu dambayn ku soo gunaanadi lahaa talo aan u jeedinayo dhalinyarada xiiseeya sports ka ee soomaaliyeed oo aan kula talin lahaa in ay ku dadaalaan horumarinta xirfada sports kana fogaadaan wax walba oo sharaftooda dhaawici gara sida qabyaalad, akhlaaaq xumo iyo maandooriyaasha.
Waxaan kaloo xiriirka kubada cagta soomaaliya u soo jeedin laha kula talinayaa in ay booqdaan oo ay taageero ka gaystaan dhamaan sports ka iyo kooxaha ka jira gobolada soomaaliyeed, oo aysan muqdisho oo kaliya ku ekaan ma xuma in ay xaruntoodu noqoto muqdisho oo waa sax laakiin waa in ay gobolada kale ka shaqeeyaan ileen waxay ku maga caaban yihiin xiriirkii kubada cagta soomaaliyee…

w/q: cabdiyare cumar bile 



No comments: