Friday, March 14, 2014

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Booqday Wadada Tareenka Djibouti Iyo Dhismayaal Caalami Ah Oo Ku Yaalla Dalkaasi
























Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta booqday dhismayaal badan oo caalami ah kuna yaalla dalka Djibouti , waxaana dhismayaashaas gacanta ku haya Shirkado Chines ah .
Goobaha uu Madaxweyne Gaas booqday waxaa ka mid ah wadada tareenka Djiouti taasi oo isku xirta dalalka Djibouti, Ethiopia iyo wadamo kaloo Africa ka mid ah.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo beryihii danbe safar shaqo ah ku jooga Djibouti waxaa magaalada Carta ee dalkaasi maanta casumaad qado sharaf ah ugu sameeyey masuuiyiinta sare ee rugta ganacsiga Djibouti.
Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku joogo Djibouti waxaa ay qaadatay mudo maalmo ah, waxaana wafdigu ay dib ugu soo laaban doonaan caasimadda Puntland ee Garowe.

Xigasho: puntlandi.com



No comments: