Saturday, March 29, 2014

wasiirka degaanka dawlada puntland guuleed saalax barre oo garoowe dib ugu soo noqday

Wasiirka deegaanka Duur-joogta iyo dalxiiska dawlada mudane Puntland Guleed Saalax Bare ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada caasimada ah ee Garoowe, kadib markii uu shirar kala duwan kaga qayb galay Nairobi kenya.
wasiirka degaanka dawlada puntland/guuleed saalax barre

























  wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha garoowe ku soo dhaweeyay qayb kamid ah golaha wasiirada, sida wasiir dawlaha madaxtooyada, wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo duqa degmada garoowe iyo shaqaalaha wasaarada degaanka xubno ka socday, waxaa safarka wasiirka ku waheliyay wasiirka beeraha iyo waraabka oo kala qayb galay wasiirka degaanka shirarka ay kenya kulayeesheen madaxda haayadaha UNDP iyo FAO.

Qore: cabdi cumar bile

No comments: