Monday, March 24, 2014

Xusuus Qaran:Halyay Cabdulaahi Yuusuf hogaamiye aysan hilmaami doonin ummadiisu (1934-2012)

madaxweyne cabdulaahi yuusuf axmed oo xarunta qaramada midoobay ka khudbaynaya




























Taariikhda Cabdulaahi Yuusuf.
Halyay Cabdulaahi Yuusuf wuxuu ku dhashay Birta Dheer oo ku dhow magaalada Garowe sanadkii 1934-tii.
Nin aad ugu Xeeldheera arrimaha Saadasha oo lagu magacaabi jiray Muuse Geele ayaa Aabaha dhalay Cabdulaahi Yuusuf waqtigaas u sheegay in Cabdulaahi uu noqon doono  ‘’Hana qaad nasiib badan,Bushada dhexdeedana magac ku yeelan doona’’.
Sanadkii 1950 ayuu ku biiray Ciidamada,wuxuuna  tabar ku qaatay Xerada Dhanaane.
1953 ayaa loo badalay magaalada Muqdisho,waxaana  shaqada ka sukow uu dardar galiyay  arrimihisa Waxbarasho oo heer wannaagsan uu ka gaaray.
1954-tii ayaa tababar loogu qaaday wadanka Talyaaniga,wuxuuna ka mid ahaa Saddex iyo toban dhalinyaro ah oo lagu tababaray Dugsiga Ciidanka Lugta ee Cesano Di Roma,muddo dhan 2-sano.
Sanadkii 1956 ayaa la siiyay Xidigtii kowaad,waxaana 1957-dii  loo magaabay Taliyaha qayb hoosaadka Booliska Gobolka Banaadir,halka Sanadkii 1958-dii uu qaatay Xidigtii labaad.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Jubada sare oo xaruntiisu ay ahayd magaalada Baydhabo ayaa loo magacaabay Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
Sanadkii 1960 ayaa loo badalay qaybta XDS ee Waqooyi Galbeed,halkaasi oo uu ku noqday taliye horin.
1962-dii  wuxuu qayb ka ahaa Saraakiil fashiliyay afgambi ay samayn lahaayeen Saraakiil ku abtirsada Gobolada Waqooyi Galbeed.
Sanadkii 1964-tii wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii hogaaminaysay Ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka la galay Ethiopia.
Halyay Cabdulaahi wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha hogaaminaysay heshiiska Ehtiopia  iyo Soomaaliya ay ku wada gaareen Doolow,dagaalka ka dib,kaasi oo lagu kala saxiixday xabad joojin.
Wuxuu tababaro u tagay wadamo badan oo uu ka mid ah yahay Dalka Ruushka.
Dowladii Kacaanka ayaa xabsiga u taxowday Sanadkii 1969-kii,wuxuuna xirnaa muddo dhan 6-sano.
Sanadkii 1977 wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha hogaaminaysay Ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka la galay Dowlada Ethiopia.
1978-dii wuxuu Aas-aasay ururka SSF,oo markii dambe loo bixiyay  SSDF.
Sanadkii 1985-tii  Dowlada Ehtiopia ayaa Xabsiga u taxabtay,wuxuuna xirnaa muddo dhan 6-sano.
28/May/1991 ayaa laga soo daayay xabsiga Ethiopia, ka dib markii Jabhadii Tigreega ay qabsatay dalka Ethiopia.
Wixii waqtigaas ka dambeeyay wuxuu ka qayb galay shirar loo qabtay Soomaalida,kuwaas oo looga gol lahaa in loogu dhiso Dowlad.
Halyay Cabdulaahi Yuusuf wuxuu ka mid ahaa Aas-aasayaasha Dowlada Puntland,wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowlada  Puntland ay yeelato.
Sanadkii 2002 illaa 2004 wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka qayb galay Shirka Nairobi,waxaana 10/8/2004 loo Doortay Madaxweynaha Soomaaliya.
Cabdulaahi Yuusuf Axmed wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Villa Soomaaliya taga ka dib Dowladii Soomaaliya.
29/Decembar sanadkii 2008 ayuu Halyay Cabdulaahi Yuusuf uu iska casilay hawshii uu u hayay Qaranka Soomalaiyeed.
2-sano ka hor maanta oo kale 23/March/2012 ayuu ku geeriyooday wadanka Isutaga Imaaradka Carabta,waxana lagu aaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Halyay habad hogaamineed iyo hibo Aftahanimo uu EEEB ku manaystay ayuu ahaa,wuxuu ahaa Wadani halgan dheer u galay sidii umada Soomaaliyeed ay dib ugu heli lahayd Qarankii ka burburay,xilli uu muddo badan u shaqaynayay dadweynaha Soomaaliyeed.
EEB ha u naxariisto Halyay Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

No comments: