Monday, March 10, 2014

Madaxweynaha Kenya iyo Raysal Wasaarah Itoobiya oo Adis Ababa uga wada hadlaya Arimaha Soomaaliya




















Madaxweynaha Dowlada Kenya Mudane Uhuru Kenyata ayaa galabta safar afar cisho qaadana ku tagay Dalka Itoobiya halkaasoo ay ajandayaasha labada masuul ka wada hadlayaan ay ugu horeeyaan Arimaha Howlgaladav labada Dal ka wadaan Koonfurta Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dhismayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya, waxaa sidaas Puntlandi u sheegey ilo Dublamaasiyadeed.
Madaxweyne Uhuru iyo Xaaskiisa Margaret waxaa garoonka diyaaradaha Adis ababa ku soo dhaweeyey Raysal Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo Xaaskiisa Roman Tesfaye, waxaana wafdiga Kenya loo sameeyey soo dhaweyn Qaran oo xoogan.
Madaxweynaha Uhuru iyo Raysal wasaare Hailemariam waxay horey u balan qaadeen iney wadajir ula dagaalamayaan Al-shabaab isla markaasna taageeru buuxda u fidinayaan Maamulka Jubaland iyo Dowlad goboleedyada cusub ee ka dhismi doona koonfurta Soomaaliya.

xigasho: puntland.com

No comments: