Tuesday, March 25, 2014

Warbixin: SOMAALIYA SANADKA 2014 WUXUU KU BILAABMAY DAGAALO.

Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya waxaa ka socda dagaalo oo looga soo horjeedo kooxaha argagixisa ah ee alshabaab, dagaalka waxaa wada ciidamada huwanta ah ee itoobiya,jabuuti,iyo ciidamada dawlada iyo maleeshiyaadka ahlu suna waljamaaca, dagaaladaas oo ay dad badani ku barakaceen waxa ay ka socdaan bartamaha iyo koonfurta soomaaliya, iyadoo ciidamada huwanta ay horumar ka sameeyeen jiidaha hore ee dagaalka kuna qabsadeen magaalooyin ururka argagixisa ay muddo gacanta ku hayeen sida magaalooyinka buuloburde,qoryooley iyo kuwo kaloo istiraatiiji ah.
Dhanka magaalada muqdisho waxa kooxaha argagixisada ee alshabaab ka gaysteen sanadkan  qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ugu weynayd ismiidaamin ay la beegsadeen xarunta madaxtooyada soomaaliya ee (villa soomaaliya).
Dhanka magaalada baydhabo waxaa ka taagan muran siyaasadeed oo aad u weyn dhawaan waxaa laga dhawaaqay maamul goboleed lagu magacaabay koonfur galbeed soomaaliya oo la sheegay inuu 6 gobol ka koobnaan doono, walow ay xukuumada dhexe ee muqdisho iyo urur goboleedka IGAD ay diideen aqoonsiga maamulkaas lagu magacaabay goboladaas oo ay qaar ka taliso maamulka jubaland ee xaruntoodu tahay magaalo xeebeedka kismaayo, sidoo kale waxaa magaalada baydhabo ka jira dhisme maamul goboleed saddex gobol larabo in maamul loogu dhiso waxaana fikradaan taageersan dawlada dhexe ee muqdisho waxaana horboodaya shariif xasan oo horay gudoomiye baarlaaman uga soo noqday dawladihii kumeel gaar ahaa, isla dhawaan waxaa baydhabo ka dhacay mudaharaadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo shariif xasan iyo taageerayaashiisa.
Dhacdadii ugu darnay waxa ay ka dhacday meel 15 mittir u jirta magaalada buurhakaba, kadib markii halkaas xasuuq loogu gaystay odayaal nabadoono ahaa oo kasoo jeeday gobolka shabeelada hoose, odayaasha oo kasoo noqday dhismaha maamulka cusub ee la sheegay in ay 6 gobol ku midoobayaan oo ay ka qaybgaleen shirarkii lagu soo dhisayay maamulkaas waxaa jidka u galay koox hubaysan oo kala dagay gaarigii ay saarnayeen odayaasha oo 9 oday ka koobnaa 8 meeshii baa lagu dilay hal nin oo isku dayay inuu cararana nolol bay ku qabteen kooxdii jidka u gashay, madaxda dawlada federaalka oo uu raysal wasaaruhu u horeeyo waxa ay cambaareeyeen xasuqaas oo uu ku tilmaamay mid waxshinimo ah waxaana ay dawladu ku eedaysay ururka argagixisada ee alshabaab in ay ka dambeeyeen.

Dhanka waqooyiga soomaaliya maamulada Puntland iyo somaliland ayaa laga cabsi qabaa in ay gacan ka hadal isku bedesho ka dib markii muran ka dhashay madaxweynaha maamulka soomaaliland oo booqasho dhuumaalaysi ah ku yimi magaalo xeebeedka gobolka sanaag ee lasqoray, silaanyo oo saacaado kooban joogay magaaladaas ayaa waxa uu dhagax dhigay mashaariic uu sheegay in halkaas laga hirgelinayo, dawlada puntland ayaa waxa ay ku tilmaamtay boqashadii siilaanyo mid daandaansi dagaal ahayd, madaxweynaha dawlada puntland shalay isagoo la kulmayayay waxgaradka gobolka bari waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ee ka dagaalama buuralayda galgala ay taageero ka hesho maamulka hargaysa, sidoo kale wasiirka amniga puntland xasan aloore oo wareysi siiyay idaacad maxaliya oo layiraahdo radio daljir wuxuu sheegay in haddii maamulka hargaysa uusan joojin daandaansiga colaadeed ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ayna tilaabo  adag ka qaadi doonaan , dhawaan maamulka hargaysa wuxuu ciidamo soo dhoobay duleedka magaalada badhan iyadoo halkaas ay dhawaan gaareen ciidamo ka tirsan daraawiishta dawlada puntland waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo ku dhexmaraan maleeshiyada hargaysa iyo ciidamada daraawiishta dawlada puntland ee aagaas ku sugan, colaada u dhaxaysan dawlada puntland iyo maamulka somaliland ee waqooyi galbeed wuxuu soo jiidamayay muddo dheer waxaana muraankaasi yahay mid salka ku haya xuduudaha gobolada sool sanaag iyo cayn, iyadoo magaalada laascaano ay gacanta ku hayaan tan iyo 15/5/2007 maleeshiyada somaliland oo ay xiligaas ka qabasdeen xukuumadii cadde muuse.

W/Q: cabdi cumar bile

No comments: