Wednesday, March 12, 2014

Madaxweynaha dawlada puntland oo lakulmay madaxweynaha jabuuti

























*WAR  SAXAAFADEED*
Madaxweyne  Gelle ayaa xafiiskiisa si rasmi ah ugu qaabilay wafdi sare oo
uu hogaaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo ay ka
mid yihiin wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Cali Axmed Faatax
iyo Wasiirka Howlaha Guud Cabdirashiid Max’ed Xirsi.
Madaxweyne ismaaciil ayaa tilmaamay inuu soo dhoweynayo
isbedelkasiyaaasadeed ee Puntland ka dhaashay, isla markaana dowladda
Dowladda Djibouti ay si dhow ula shaqayn doonto Puntland.
* “Waxaan idinku soo dhoweynayaa dalkiina labaad ee Djibouti , waxaana
kufaraxsanahay inaan idin casuno bacdamaa uu jiro xiriir wanaagsan oo
Puntland iyo Djibouti ka dhexeeya, waxaan kaloo soo dhoweynaynaa is
beddelka dhanka siyaasadda ee Puntland ka dhashay bilihii lasoo
dhaafay”*ayuu yiri madaxweyne Gelle.
Madaxweyne Cabdiweli waxa uu madaxda Djibouti uga mahad celiyay casumaada
ay u sameeyeen ,wuxuuna sheegay inuu kufaraxsan yahay booqashada ay ku
tageen Djibouti.
Madaxweyne Gaas wuxuu u sheegay madaxda Djibouti in ay kor u qaadi doonaan
xiriirka Puntland iyo Djibouti, maadaama dalalka gobolka oo dhan ay dadaal
ugu jiraan in horu maro badan la gaaro.
* “Waxaan idiinka mahad celinaynaa sida wanaagsan ee derisnimada iyo
walaaltinimadu ku dheehantahay ee aad noo casunteen ,dhankayaga waxaanu
markasta kor u qaadi doonaa xiriirka inaga dhexeeya, Puntland waxay ku
haminaysaain horu mar wanaagsan la gaaro, amaankana la adkeeyo, dalalka
gobolka ku yaalna sidaas ayay u diyaarsan yihiin”*ayuu yiri madaxwene Gaas.
Wafdiga madaxweynaha ayaa Djibouti sii joogi doona mudo kooban iyagoo
kulamo kale la qaadanaya madaxda Rugta ganacsigaDjibouti iyo safiirad
dalalka deeqaha bixiya eek u sugan dalka Djibouti.
Docda kale Madaxweynaha PuntlandDr Cabdiweli Max’edCali Gaas wuxuu kulan
gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Djibouti Cabdiqadir KamilMax’ed,
waxayna si qota dheer uga wada hadleen xiriirka labada dhinac iyo arrimo
kale.
Madaxweyne Gaas ayaa Ra’iisal wasaare Kamil uga mahad naqay , soo dhoweynta
iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay madaxda Djibouti u muujiyeen wafdiga
Puntland oo isagu uu hogaaminayay.
Ra’iisal WasaarahaDjiboti Cqadir Kamil Max’ed waxa uu tilmaamay in Dowladda
Djibouti ay markasta diyaar u tahay adkaynta xiriirka Puntlanda ay
laleeeyihiin.
Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa u sheegay Ra’iisal Wasaare Kaalim in
Puntland iyo madaxda cusub oo dhan ay diyaar u yihiin sidii loo kordhin
lahaa xiriirka labada dhinac.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRO BADAN






No comments: