Friday, March 21, 2014

WARBIXIN: BOOQASHADII MADAXWEYNAHA DAWLADA PUNTLAND QARDHO IYO DEGAANO KALE.





Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Ammaanka Xassan Cismaan Alloore, Siyaasi Cali Cabdi Awaare, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa  saaka ka anbabaxay Caasimadda Puntland ee Garowe, iyagoo safar booqasho iyo kormeer ah ku aaday deegaano kale oo Puntland ka mid ah.

Madaxweynaha ayaa sii maray buundada deegaanka Sunna-jiif oo roobabkii dhowaan da’ay bur buriyeen, halkaasi oo uu kula kulmay shaqadii oo u socota sidii loogu tala galay, waxaana engineerada gacanta ku haya dhismaha buundada ay u sheegeen  Madaxweynaha inay waqti kooban ku dhamayn doonaan dib u dhiska buundaasi.
Ka dib Madaxweynaha ayaa safarkiisa sii watay, dhamaan tuulooyinkii uu maray waxaa hareeraha wadada taagnaa dadweyne si diiran uga qeyb qaadanayay soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyagoo ruxayay caleemo qoyan kuna hadaaqayay Madaxweyne Soo Dhowoow.
Madaxweynuhu Wuxuu kusii hakaday deegaanka Yaka-Yaka oo aan wax badan u jirin degmada Qardho, iyadoo dadka deegaankaasina ay soo dhoweyn wanaagsan u sameeyeyen Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa isla maanta  gaaray Magaalada Qardho ee Xarunta G/kar-kaar , waxaana dadweynaha magaaladaasi ay wafdiga madaxweynaha uga hor tageen duleedka Qardho halkaasi oo ay kusoo bandhigeen ciyaarta dhaantada oo ka mid ah dhaqanka Somalida, taasi oo ahayd mid ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada uu Madaxweynuhu kusoo gaaray magaalada Qardho.

Sidoo kale dhamaan dadweynaha qardho oo taagnaa hareeraha wadada ee bartamaha magaalada ayaa u muujiyay soo dhoweyn ka duwan  tii ay usameeyeen waqtiguu uu ahaa musharaxa Madaxweynaha doorashadii ka hor xiligaasi oo uu Qardho soo booqday.
Madaxweynaha Oo Bulshada Qardho la hadlay ayaa u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhoweynta ay qiimaha leh e ay ku qaabileen wafdigiisa, wuxuu kaloo tilmaamay inuu fulin doono ballan qaadyadii uu sameeyey waqtigii uu musharaxa u ahaa hogaaminta Puntland, isla markaana degmada Qardho  ay heli doonto waxqabadka ay xukuumadiisu samayn doonto mudada ay xilka hayso.

Madaxweynaha waxa uu kormeero kala duwan ku tagay Hospitalka Qardho, Saldhiga Qaybta , Ceelasha Biyaha iyo Xabsiga weyn ee Qardho, isagoo warbixino ka dhagaystay dhamaan masuuliyiint goobaha uu booqday.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Issimada Puntland, iyagoo ka arrinsaday sidii loowada shaqayn lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdgigiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho, iyagoo usii gudbi doona magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Cabdi cumar bile, blogger journalist.

No comments: